Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo shir gudoomiyay kulan looga hadlayay amniga Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa shir gudoomiyay kulanka amniga Caasimadda iyo u diyaar garowga qaadista imtixaaanaadka Dugsiyada kaas oo uu goob joog ka ahaa taliyaha qeybta guud gobolka Banaadir ee Ciidanka boliiska Soomaaliyeed.

Shirkaan ayaa loogu hadlay Amniga guud ee Caasimada, iyadoo halkaasi loogu hambalyeeyay isla markaana lagu boogaadiyay howlaha sugida Amniga oo ay qabteen Saraakiisha iyo Askarta qeybahooda kala gedisan intii lagu jiray Bisha Barakeysan ee Ramadaan iyo Maalmihii Ciida,Waxaana lagu balamay in lasii xoojiyo wada shaqeynta Laamaha Amniga iyo Maamulada Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Sidoo kale shirka ayaa loogu hadlay u diyaar garowga sugida Amniga Imtixaanaadka Shahaadiga oo Todobaadka soo socda ka bilaabmaya Magaalada Muqdisho.

PUNTLAND POST

The post Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo shir gudoomiyay kulan looga hadlayay amniga Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this