Dhagax-Tuur Posted December 30, 2006 Qoraal E-mail ahaan ay inoo soo gaarsiisay haweeney magaceeda ku sheegtay Maryan Axmed C/laahi oo arrin la yaab leh shabakada goobjoog.net uga warbixisay, waxayna ka sheekeyneysaa sanadkii 2002 oo ay guursatay ilamaa sanadkan 2006-da sida xaalkeedu ahaa iyo sida bilahan dambe xaalkeedu noqday, waxayna tiri:- “Waxaan is guursanay wiil dhallinyaro ah oo calafku ii saamaxay guurkiisa, ma jecli in aan ka sheekeeyo shaqadiisa iyo waxa uu qaban jiray, waayo ma aha wax afka u wanaagsan, laakiin wiilkaas wuxuu ka caado yeeshay cunista qaadka oo uu si weyn u qadarin jiray, maalintii uusan qaad cunina waxay u ahayd maalin hoog iyo baas. Xilliga duhurkii marka uu qaadka soo dhaco ayuu si halhaleel ah hurdada uga soo kacayay isagoon quraacda si wanaagsan u liqin ayuuna guriga ka bixi jiray, xilligaasoo saddex da’ oo aan u dhalay labo ka mid ah isagoo hurda ay dugsiga aadaan, mid kalena uu dhabta ii saaran yahay, Ilmahayga waxay weydiiyaan mar walba “Aabbe aaway” Wuu inoo shaqeynayaa” ayaan ku qancin jiray anigoo og inuu qaad cunis ku maqan yahay, bisha marka ay dhamaata wiil iyo gabar la dhashay oo dibadda wax uga soo xawila ay soo wici jireen si biilka uu uga soo qaato shirkadda xawilaadda. Habeenkii xilli dambe aniga iyo ilmaha oo hurudna ayuu daaqadda guriga ii soo garaaci jiray markaan albaabka ka furana sariirta isku tuuri jiray……….. Ilmahayga aabahood ma arkaan !! anna ninnimo kama helo oo mar uu hurdo la dhacdhacayo iyo mar uu qaad cunis ku maqan yahay ayuuba waqtigiisiiu qeybsamay. Anigoo dhibtaas qaba, buuq iyo qeylo iyo is qabqabsina ay deriska inagu neceen oo labadii baa is heysata halheyskoodu noqday ayaa Alle mahadii Maxaakiimta Islaamiga ay Muqdisho qabsadeen, xasiliyeen, isla markaana qaadkii joojiyeen. “Hadda ayaan ninkeygii dhabta ahaa helay, carruurteyda oo haatan afar ahna aabahood is arkeen, la sheekeystaan, la fara cayaaraa, anna hadde farxadeyda maba la soo koobi karo oo hadda ayaan nin helay, markii horena Alle igu cadaabi mayo haddii aan dhaho maba la i qabin oo waa ley qabaa afka ayuun bay ahayd , haddase nin ayaan helay, Maxaakiimta Islaamiga ayaana Alle ka sokow mahaddaa iska leh ee Alloow qaad dambe ha inagu soo celin, Maxaakiimtuna ha noqdaan kuwo weligood guuleysta" Source: Goobjoog.net Quote Share this post Link to post Share on other sites
Som@li Posted December 30, 2006 CHeap propaganda, waxaa qoray baan u wadaa nin. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Aaliyyah Posted December 31, 2006 Hadaan nin helay masha-allah that is great.and these kinda stories do happen. we should admit that fathers nowadays tend to spend a whole lot time at the maqaahi chewing qaad :mad: . Not all fathers thou (alhmadu lilaah mine happens to be exception , and I am sure there are lota great fathers out there ). May allah bless all our fathers, and guide those who are neglecting their kids and wives. Wa salaam Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted January 2, 2007 Qaadkii wuu soo noqday ,,, maxay yeeli haddaba weliba isagoo bilaash ah buu yimide ,,, Quote Share this post Link to post Share on other sites