Sign in to follow this  
Deeq A.

Goobo Dalxiiska & Bilicda Magaalada Berbera Qayb ka noqonaya oo Midowga Yurub maalgelinayo oo la dhagax-dhigay+Cadadka Lacagta ku baxaysa 

Recommended Posts

Deeq A.   

Goobo Dalxiiska & Bilicda Magaalada Berbera Qayb ka noqonaya oo Midowga Yurub maalgelinayo oo la dhagax-dhigay+Cadadka Lacagta ku baxaysa

 eu-1.jpg

Goobo dalxiiska iyo horumarka magaalada qayb ka noqonaya ayaa maanta Berbera laga dhagax dhigay.

Mashaariic horumarineed oo uu maal-galinayo midowga Yurub, oo muddo lix bilooda soconaya ayaa maanta laga dhagax dhigay magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil.

mashruucani wuxuu iskugu jiraa goobo ciyaaro ah, meelo qoysaska u gaara, goobo haweenka u gaar ah iyo goobo kale oo marti galin doona adeegyo muhiim u ah dadweynaha booqanaya xeebta magaalada.

Mashruucan ayaa haddii ILLAAHEY yidhaaho ay ku bixi doonta qadar lacageed oo dhan 7.5 milyan, oo dollarka Mareykanka ah.

Berbera ayaa sannadihii danbe si xawli ah ugu talaabsatay horumar la xidhiidha kaabayaasha bulshada iyo mashaariic waaweyn oo dalka dhaqaalihiisa laf-dhabar u ah.

 

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this