Sign in to follow this  
Deeq A.

 Qabri laga helay meydka Ilmo yar oo noqday Qofkii ugu horeeyay ee lagu aaso Qaarada Afrika

Recommended Posts

Deeq A.   

 Qabri laga helay meydka Ilmo yar oo noqday Qofkii ugu horeeyay ee lagu aaso Qaarada Afrika

An artist’s interpretation of Mtoto’s burial (c) Fernando Fueyo
Seynisyahannada ayaa cunuga magaciisa ku koobay Mtoto oo luuqadda Sawaaxiliga ku ah “cunug”

Baaritaan dhinaca taariikhda ah oo la waday ayaa shaaca looga qaaday qabri jira 78,000 oo sano, kaasoo la sheegay inuu ku yaallo goobtii ugu horreysay ee aas looga sameeyay qaaradda Afrika.

Qabriga oo marka la qoday ay ku beegan Xilligii Dhexe ee Isticmaalka Dhagaxa (Middle Stone Age) ayaa la ogaaday inuu ku jiro haraadiga meydka cunug yar oo saddex jir ah, waxaana laga helay god buur hoosteed ah oo ku yaalla dalka Kenya.

Wargeyska Nature ayaa wax ka qoray sheekada cilmi baareyaasha daraaseynayay qabrigaas oo sharraxay sida meydka cunugaas madixiisa uu ugu muuqdo in loo dhigay barkin.

Seynisyahannada ayaa haraadigaas ku magacaabay Mtoto, oo micnaheedu yahay “cunug” marka laga soo fasiro luuqadda Sawaaxiliga.

Virtual ideal reconstruction of Mtoto’s position in the burial pit (c) Jorge González/Elena Santos
Cilmibaareyaasha ayaa qabriga oo dhan shamiiteeyay si ay isugu toosiyaan lafaha

Khubarada caalamiga ah ee baaritaanka taariikhda dadkii hore ayaa si taxaddar leh u shamiiteeyay guud ahaan qabriga si ay u ilaaliyaan qaabka ay u yaallaan lafaha badbaaday. Arrintan ayaa u sahashay in ay haraadiga meydka si nabad ah ugu qaadaan sheybaarka, si loo daraaseeyo.

“Waxay la mid ahayd sidii adigoo hooska qofka qabri kasoo saaraya,2 ayay tidhi Prof María Martinón-Torres, oo ah agaasimaha machadka cilmi baarista bani’aadanka ee dalka Spain.

“Markii aan qaadeynay lafaha, ma aannaan ogeyn inaan gacmaheenna ku wadnay cunug,” ayay ku tidhi wareysi ay siisay barnaamijka arrimaha seyniska ee BBC-da.

Cilmi baareyaasha ayay u suurtagashay inay daraasad ku sameeyaan ilkaha, iyagoo sidaas ku ogaaday in waxaasi uu ahaa meyd cunug yar oo bani’aadam ah – oo da’diisuna u dhaxeyso labo ilaa saddex sano. Raajooyin lagu sameeyay lafaha ayaa muujiyay in meydka loo dhigay dhinac dhinac, lugihiisana lasoo laabay.

Lafaha ayaa ku dhaqaaqay si laga fahmi karo in ay lugaha aad usoo laabtaayeen markii la aasayay, halka madaxana laga fahmay in uu dul saarnaa wax u eg barkimo laga sameeyay caleemo.

  • General view of the cave site of Panga ya Saidi. Note trench excavation where burial was unearthe (c) Mohammad Javad Shoaee
Mtoto waxaa lagu aasay gud buur hoosteed ku yaalla, halkaasoo la aaminsan yahay in dad ay ku noolaayeen 78,000 oo sano ka hor

“Waxaan u maleyneynaa in cunuga meydkiisa lagu xirxiray xarig ka sameysan diirka geedaha ama maqaar xayawaan – wuxuuna u muuqday sidii isagoo loo diyaariyay hurdadii ugu dambeysay,” ayay tidhi Prof Martinón-Torres.

“Waxaa jira dareen dhab ahaantii ay dadka aasayay cunugan u qabeen, ayna ku muujiyeen qaabka ay u aaseen.”

Baaritaanno dheeraad ah oo lagu sameeyay cabirka lafaha ayay cilmi baareyaasha ku ogaadeen in Mtoto ay u badan tahay inuu ahaa wiil.

“Waxaa lagu aasay meel ay ku noolaayeen dad,” ayay tidhi Prof Martinón-Torres. Dhammaan arrimahan waxay leeyihiin sababo – waxaa laga yaabaa inay aad uga murugsanaayeen geeridiisa, ama waxaa laga yaabaa in aysan dooneynin inuu ka fogaado.”

Afrika ayaa lagu tilmaamaa meeshii ugu horreysay ee ay bani’aadanka dhaqdhaqaaq ka sameeyeen, laakiin markii la eegay dhammaan caddeymaha ka muuqday taariikhdii hore ee ku saabsaneyd dadkii xilli hore ku noolaa qaaraddan waxay seynisyahannada mar walba sheegi jireen in ay ka maqneyd aasitaanka dadka dhintay.

“Qabrigii kale ee ugu da’da weynaa Afrika, oo ku xigay midka hadda la helay wuxuu ku mudeeysnaa 74,000 oo sano ka hor,” ayay tidhi Dr Louise Humphrey, oo ka tirsan Madxafka taariikhda dabiiciga ah ee London.

“Waxaa layaab leh in qabrigaas qudhiisa uu ahaa mid uu ku aasnaa cunug yar, laakiin 50 sano ka hor ayaa lasoo qufay, qaabkii loo soo adeegsaday oo aad u xumaa awgiisna wax badan kama ogaan karno.”

“Halkan waxaa aad looga fahmayaa in ay jirtay murug shakhsiyeed,” ayay sii raacisay hadalkeeda.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this