Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Qatar oo xafiis diblomaasiyadeed ka furanaysa Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   
Qatar.jpg?resize=1000%2C613&ssl=1

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta oo Sabtiya xafiiskiisa ku qaabiley wefdi  ka socday dalka Qatar oo uu hoggaaminayo Ergayga gaarka ah ee Ra’iisal-wasaare ku-xigeenka, ahna wasiirka arrimaha dibedda ee dalka Qadar, Dr. Mutlaq bin Majed Al-Qahtani.

Qoraal ka soo baxay madaxtooyada Somaliland, ayaa lagu sheegay in  madaxweyne Biixi, uu wefdiga warbixin dheer ka siiyay xaaladda guud ee Somaliland, islamarkaana uu ka guddoomay salaan ay uga sideen madaxda dalka Qatar.

Waxaana kulankaasi lagaga wada hadlay in labada dhinac yeeshaan xiriir wanaagsan oo walaalnimo iyo iskaashi wada shaqayneed iyo in dalka Qadar Somaliland ku yeesho xafiis Diblumaasiyadeed oo rasmi ah, sida lagu xusay Qoraalka.

Sidoo kale, waxa laga wada hadlay sidii hay’adda Qatar u qaabilsan mucaawimooyinka ee (Qatar Charity) ay xafiis uga furan lahayd gudaha  Somaliland, loona xoojin lahaa xiriirka wada shaqayneed oo dhinaca mucaawimooyinka ah iyo samafalka ah.

PUNTLAND POST

The post Dowladda Qatar oo xafiis diblomaasiyadeed ka furanaysa Somaliland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this