Sign in to follow this  
Deeq A.

“Waxa Kale Oo Aanu Shacbiga Reer Somaliland U Caddaynaynaa In Boolisku Uu Ku Daba-jiro Eedaysanayaal Kale Oo Ay Ka Mid Yihiin Murashaxad Kubrra Xasan Maxamuud Oo Xisbiga WADDANI Uga Sharraxan Gobolka Togdheer Iyo Murashaxad Canab Cabdi Aw Xirsi Oo Xisbig

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Booliiska Somaliland ayaa markii ugu horraysay ka hadlay murashaxiin maalmihii la xidhxidhay iyo kuwo la sheegay in lagu daba jiro oo la baacsanayo

Warbixin lagu daabacay boga Facebook ee ciidanka booliiska ayaa lagu yidhi

***Bismilaahi Raxmaani Raxiim ***

Ciidamadda Booliska Jamhuuriyada Somaliland Waxay Bulshadda u caddaynayaan arrimahan hoos ku qoran:

Waxaa  ka soo baxay Tartamayaasha Doorashada u taagan  qaarkood  fal-danbiyeedyo iyo Eedo Booliska soo gaadhay Afartankii maalmood ee u dambeeyay, waxaana Eedahaas  ka mid ah;

In Murashixiinta qaarkood ay sitaan Shahaadooyin  Foojari ah oo ay u samaysteen sifo sharciga baal marsan iyo arrimo kale, Taasi oo markii uu Boolisku  baadhis qoto-dheer ku sameeyay ay  u cadaatay in Sharciga lagu gefay oo ay  dembiyo dhaceen foojirina ay sameeyeen xubnaha eedaysanayaasha ahi  sida ku cad qodobada sharciga ah ee kala ah 371,373,iyo 375 Ee Xeerka Ciqaabta Guud.

Baadhis dheer ka dib waxa ay Boolisku  Xeer Ilaalinta iyo Maxakamadaha Dalka hor geeyeen caddaymo ku filan in dambiyadaasi kor ku xusani dhaceen, taas oo qayb ka mida ah garnaqsighoogu uu dhamaad ku dhaw yahay oo uu Maxkamadaha Dalka  ka socdo,  dacwadaha qaybo ka mid ahina ay imika bilow yahiin, sida Eeda Dacwada loo haysto  Murashaxa magaciisa la yidhaa Qaasim Cali Odowaa  oo sedexdii cisho ee u dambeeyay ku xidhan saldhiga dhexe Ee Magaalada Hargeysa.

 Maxkamada iyo Xeer ilaalinta waxaanu hor gayn doonaa caddaymo ku filan fal-dambiyeedka loo haysto murashaxaas.

Dhamaan  muwaadiniinta xidhan waxa uu Boolisku  Xadhigooda u maray sifo Sharci ah oo loo maray Waaran Maxkamadeed.

Waxaa wanaagsanaan lahayd in dadka leh khalad ayaa cid lagu xidhay ay ka war-sugaan  Natiijada Maxkamada,  ama ay ka qayb galaan Dhagaysiga Garnaqsiga Maxkamada oo cid kasta u furan inay dhegaysato.

Waxa kale oo aanu Shacbiga reer Somaliland u caddaynaynaa in Boolisku uu ku daba-jiro Eedaysanayaal kale oo ay ka mid yihiin;

1. Murashaxad Kubrra Xasan Maxamuud oo Xisbiga Waddani uga sharraxan Gobolka Togdheer.

2.  Murashaxad  Canab Cabdi Aw Xirsi oo Xisbiga UCID uga sharaxan Gobalka Sool,

Labadaas Xubnood oo Boolisku u hayo Waaran Maxkamadeed waxaanu faraynaa kuna  adkaynaynaa in ay Hay’addaha Amniga u tagaan oo ay iska difaacaan Eedaha loo haysto,  haddiise ay  u tagi wayaan sifo Sharciga Waafaqsan ayuu Boolisku  usoo qaban doonaa si loogu oogo Eedaha Dembi ee loo haysto  oo Maxkamada loo hor geeyo.

Waxa kale oo aanu Bulshada reer Somaliland la socod siinaynaa in Boolisku uu ku daba-jiro baadhisna uu ku wado Eedaysanayaal kale oo marka baadhistooda la soo afjaro uu Boolisku u gudbin doono Xeer Ilaalinta Qaranka iyo Maxkamada Dalka.

Boolisku waxa uu u marayaa Sifo Sharci ah cid kasta oo lagu soo eedeeyo inay Fal-dambiyeed ku kacdo Xilka uu doono ha hayo, ama Xisbiga uu doono haka tirsanaadee. Cidii Boolisku u helo caddayn buuxdana waxaanu u gudbin doonaa Xeer-ilaalinta iyo Maxkamadaha Awwooda u leh.

Baadhista uu Boolisku imika gacanta ku hayaa waxay la xidhiidhaa  Fal-dambiyeedyo Foojari ah oo ay ku kaceen qaar ka mid Tartamayaasha qaarkood ee u sharraxan Doorashada Golaha Wakiilada iyo Golayaasha Deegaanka ee Dalka ka dhici doonta  31 May 2021.

ALLAA MAHAD LEH

Xafiiska Warbaahinta

 Ciidanka Booliska Jamhuuriyada Somaliland.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this