Sign in to follow this  
Deeq A.

UK Oo Cunaqabateyn Ku Soo Rogtay 22 Siyaasi Oo Dalalkooda Musuq-maasuqay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-London)-Boqortooyada Ingiriiska ayaa cunaqabateyn saartay 22 shaqsi oo 14 ka mid ah ay u dhasheen Ruushka, kuna lug lahaa kiisas musuq-maasuq oo ku saabsan nidaamka cusub ee la dagaalanka musuqmaasuqa.

Shakhsiyaadkan ku kala baahsan Koonfur Afrika, Koonfurta Suudaan iyo Latin Amerika ayaa sidoo kale lala beegsaday hakinta hantidoodii iyo xayiraad dhanka safarka.

Xoghayaha arrimaha dibadda Dominic Raab ayaa u sheegay mudanayaasha baarlamaanka UK inay door muhiim ah ka ciyaaraan la dagaalanka musuqmaasuqa.

Wuxuu sidoo kale ku tilmaamay dalka inuu yahay “dheri malab ah” “jilayaasha musuqmaasuqa”.

Nidaamka cusub wuxuu ka dhigan yahay shakhsiyaadka ku lug leh kiisaska ugu halista badan adduunka ee musuqmaasuqa mar dambe awood uma yeelan doonaan inay lacagtooda soo mariyaan bangiyada UK ama soo galaan waddanka, ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Xafiiska Arrimaha Dibadda, Barwaaqo Sooranka iyo Horumarinta.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this