Sign in to follow this  
Deeq A.

Xoghayaha guud ee QM oo baaq deg-deg ah kasoo saaray xaaladda Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Xogahayaha guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres ayaa si adag uga hadlay iska hor imaadyada u dhexeeya mucaaradka iyo dowladda dhexe ee kasoo cusboonaaday gudaha magaalada Muqdisho.

Antonio Guterres ayaa shaaca ka qaaday inuu aad uga walaacsanyahay xiisadaha dagaal ee haatan ka jira Muqdisho, wuxuuna ugu baaqay labada dhinac inay ka joogsadaan rabshada dambe, isla-markaana ay wax-weliba ku xalliyaan wada-hadal.

Qoraal kasoo baxay xafiiska Stephane Dujarric oo ah afhayeenka gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa lagu yiri “Xoghayaha-Guud wuxuu aad uga walaacsan-yahay iska hor imaadyadii hubeysnaa ee dhowaan ka dhacay magaalada Muqdisho. Wuxuu mar kale ku celinayaa baaqiisa ah in dhamaan saamilayda Soomaaliyeed ay ka joogsadaan rabshado dambe oo ay ku xalliyaan khilaafaadkooda wadahadal iyo isu-tanaasul,”.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray afhayeenka inuu xoghayuhu ku boorinayo dhinacyada is-haya inay si deg-deg ah ku billaabaan wada-xaajood, si loo soo afjaro xiisada aloolsan.

“Xoghayaha-Guud wuxuu ku boorinayaa dhamaan saamilayda Soomaaliyeed inay si dhakhso leh dib u billaabaan wada-xaajoodyada isla markaana ay gaaraan heshiis ku saleysan Hanaankii Doorashada ee 17kii Sebtember iyo soo-jeedintii Baydhabo,” ayuu sii raaciyey.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyadoo haatan xaalad adag ay ka taagan tahay magaalada Muqdisho oo ay qeybo ka mid ah isku horfadhiyaan ciidanka dowladda iyo kuwa kale oo taabacsan mucaaradka, kana soo horjeedo muddo kororsiga madaxweyne Farmaajo.

The post Xoghayaha guud ee QM oo baaq deg-deg ah kasoo saaray xaaladda Muqdisho appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this