Sign in to follow this  
Deeq A.

Muqdisho: Barakac xooggan oo ka bilowday xaafad ay dageen Ciidamada taageersan mucaaradka

Recommended Posts

Deeq A.   
2-28.jpg?resize=720%2C540&ssl=1

Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan kuwa mucaaradka oo taageersan murashax madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur, islamarkaana ay hoggaaminayaan Saadaq Joon iyo Indhacadde ay xalay isaga guureen nawaaxiga madaxtooyadii hore ee Cabdiqaasim degmada Hodon.

Ciidamadan oo ku hubaysan gaadiidka kala duwan ee dagaalka, ayaa sida la xaqiijiyay waxay dageen xaafadda Siigaale oo ka tirsan isla degmada Hodon ee Gobolka Banaadir, halkaa soo ay fariisimo ciidan ka samaysteen, sida ay sheegeen goob-joogayaal.

Shacabka ku nool xaafadda Siigaale ee degmada Hodon, ayaa sidoo kale lagu soo warramay in ay xalay saqdii dhexe barakac xooggan sameeyeen, kadib markii ay ka war-heleen ciidamada mucaaradka ee dushooda soo degay.

Dhinaca kale, Laamaha Amniga dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dib u furay wadooyinka Km4 Iyo Tarabuunka, halkaas oo horay ugu sugnaayeen ciidamada taabacsan Murashax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur, General Indhacadde iyo Saadaq John.

PUNTLAND POST

The post Muqdisho: Barakac xooggan oo ka bilowday xaafad ay dageen Ciidamada taageersan mucaaradka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this