Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Ciidamada DF oo weeraray mid ka mid ah Idaacadaha Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa saaka aroortii hore weerar ku qaaday dhismaha ay dagan tahay Idaacadda Mustaqbal oo ka mid ah warbaahinta madaxa banaan ee haatan ka howl-gasha gudaha magaalada Muqdisho.

Maamulka Idaacadda oo war qoraal ah soo saaray, kadib weerarkaasi ayaa sheegay in ciidamadu ay jir-dil xoogan u geysteen qaar ka mid ah shaqaalaha Raadiyaha, sidoo kalena ay qaateen dhammaan qalabkii war-qabadka iyo sidoo kale kan maamulka Idaacadda.

“Ciidanka dowladda ee galay xarunteenu waxa ay geysteen Jirdil shaqaalaha qaarkood, Waxa ay qaateen Dhammaan qalabkii Warqabadka, Maamulka iyo Telefeahinka. Aad ayaan uga xunahay in ciidanku noola dhaqmay sida dad cadow ah oo si gaar ah loo beegsanayo,” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ee kasoo baxay xafiiska maamulka Radio Mustaqbal.

Sidoo kale maamulka ayaa codsaday dowladda Soomaaliya inay dib ugu soo celiso qalabka laga burburiyey, sidoo kalena laga dul-qaado ciidamo la dhigay afaafka hore ee xarunta

“Waxa aan ka codsaneynaa dowladda in ay dib u soo celiso qalabka islamarkaana aanay u dhaqmin hab beegsi ah oo na dareensiinaya in magaca, hubka iyo awoodda dowladdu nalugu dulminayo.Waxaan sidoo kale dalbaneynaa in nalaga qaado ciidanka iyo hubka yaal Albaabka xarunteena,” ayaa markale lagu yiro qoraalka cabasha ee Radio Mustaqbal.

Ma cadda illaa iyo sababta rasmiga ah ee loo beegsaday Idaacadda Mustaqbal, mana jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka ee Soomaaliya.

Dhacdadan ayaa kusoo aadeyso, xilli haatan gudaha magaalada Muqdisho ay ka taagan taha xiisad dagaal oo u dhexeysa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo mucaaradka, taas oo ay tabaneysay Mustaqbal, si la mid ah Idaacadaha kale ee ku yaalla caasimada.

179235436_497003311714559_80548153648950 178380702_497003035047920_55024703986886 178417866_497003121714578_86748285948804 179011969_288210946316779_75754466732826 179176676_288210819650125_28793432312020

The post Sawirro: Ciidamada DF oo weeraray mid ka mid ah Idaacadaha Muqdisho appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this