Sign in to follow this  
Deeq A.

“Lacagihii Kabka Ahaa Waa Nalaga Goostay, Waxaan Taagannahay Sagxadda…” Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Duceyle Beyle ayaa shaaca ka qaaday in dalalka deeqaha bixiya ay goosteen lacagtii ay ku taageeri jireen dowladda Soomaaliya, oo ay dowladdu hadda wajaheyso xaalad dhaqaale xumo oo aad u darran

“Lacagihii kabka ahaa ee adduun weynaha na siin jiray waa ay naga goosteen, xoogaa Sacuudiga iyo Qatar na siiyeen ayaan mushaharka ku bixinaynay iyagiina December iyo January ayay dhammaadeen, hadda waxaan taagannahay sagxadda,” ayuu yidhi Beyle.

Beyle ayaa sheegay in dakhliga dowladda uga soo xarooda gudaha uu markii horeba ahaa 30%, inta kalena ay ka heli jireen dalalka deeqaha bixiya, kuwaas oo iminka lacagtooda goostay, sidaas darteedna loo baahan yahay in Soomaalida ay isku tashato

Bangiga Aduunka, Midowga Yurub iyo dowlado ay ku jirto Dowladda Sacuudiga ayaa joojiyay lacagtii ay ku kabi jireen dowladda Soomaaliya waxaana sababta lagu sheegay in muddo xileedka madaxda dowladda dhammaaday, muranka siyaasadeed iyo ku tagri-falka awoodeed oo ay ku dhaqmeyso dowladda Soomaaliya.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this