Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxkamadda ciidamada oo billowday dhageysiga dacwada dilkii Dhagajuun

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa maanta oo ay ku beegan tahay 24 bishaan April ee 2021-ka u fariisatay dhageysiga dacwadda dilkii loo geystay Allaha u naxariistee guddoomiyihii maamulka degmada Hodan Marxuum Cabdixakiin Dhagajuun.

Fadhiga maxkamadda ayaa waxaa goobjoog ah saraakiil ka tirsan maxkamadda ciidamada, rag loo heysto dilka marxuumka, ehellada labada dhinac iyo dadweyne kale.

Maxkamadda ayaa waxaa loo horgeeyey cadeymo la xiriira sida uu u dhacay dilka guddoomiyihii degmada Hodan oo ay toogteen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda.

Sidoo kale maxkamadda ciidamada ayaa la filayaa inay go’aan kasoo saarto kiiskan oo horey guddi gaar ah loogu xil-saaray, kaas oo baaritaan dheeraad ah kusoo sameeyey dhacdadaasi, wuxuuna guddigu shaaciyey in si bareer ah loo toogtay marxuumka.

Allaha u naxariistee Cabdixakiin Cabdiraxmaan Ciise (Dhagajuun) oo ahaa nin dhalinyaro ah ayaa xilli habeen ah 21-kii Janaayo ee sanadkan lagu dilay isgoyska Howl-wadaag ee  Muqdisho, saacado kadib markii uu kasoo laabtay wadanka Turkiga.

The post Maxkamadda ciidamada oo billowday dhageysiga dacwada dilkii Dhagajuun appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this