Sign in to follow this  
Deeq A.

Xubnaha beesha caalamka oo markale ka shiraya xaaladda Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Wakiilada beesha caalamka ee fadhigooda yahay magaalada Muqdisho ayaa lagu wadaa in markale ay kulan gaar ah ka yeeshaan xaaladda adag ee Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha soo kordhay ee is mari-waaga doorashooyinka.

Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa qaban-qaabinaya ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan oo kaashanaya qaar kamid ah safiirada Dalalka qaar sida UK.

Wararka ayaa sheegaya in xubnaha beesha caalamka ay kulankan uga hadlayaan xaaladda cakiran ee dalka iyo diidmadooda ku aadan muddo kororsiga uu sameeyey golaha shacabka.

Sidoo kale wakiilada beesha caalamka ayaa diirada saari doono go’aan gaarista tallaabada xiga ee ay qaadi doonaan, si xal loogu helo xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya.

Beesha caalamka ayaa horey u shaacisay inay kasoo horjeedo muddo kordinta labada sano ah ee loo sameeyey hay’adaha dowladda, iyadoo ku baaqday wada-hadalladii fashilmay.

Si kastaba Soomaaliya ayaa wajaheyso xaalad hubanti la’aan ah oo ka dhalatay tallabaadii baarlamaanka, taas oo ay sidoo kale ka horyimaadeen maamullada qaar iyo mucaaradka

The post Xubnaha beesha caalamka oo markale ka shiraya xaaladda Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this