Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Sababta ay Qoor Qoor iyo Cali Guudlaawe ay uga baaqdeen shirkii Hawiye

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya sababta rasmiga ah ee Madaxweynayaasha Maamulada Galmudug iyo HirShabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe iyo Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor uga baaqdeen shirkii beelaha Mogadishu Clan, oo la filayey inay uga dhowaaqeen mowqifkooda ku aadan muddo kororsiga Farmaajo.

Sida aan xogta ku helnay, Qoor Qoor iyo Guudlaawe ayaa xubnaha mucaaradka ah u sheegay in ay dib ugu laaban doonaan degaanadooda islamarkaana ay kulamo la qaadan doonaan baarlamaanka, golaha wasiirada iyo ururada bulshada rayidka, islamarkaana ay kadib caddeyn doonaan mowqifkooda ku aadan arrinta muddo korarsiga. 

Xogta aan helnay ayaa tilmaameyso in labadaan Madaxweyne ay u sheegeen mucaaradka in ay soo saari doonaan war-saxaafadeed wadajir ah, islamarkaana aysan ka qeyb geli karin shirkii aaya ka tashiga Mogadishu Clan iyagoo aan wadatashiyo la sameynin maamulada ay matalaan. 

Wararka ayaa intaasi ku daraya in xubnaha mucaaradka ah ay ku qanceen hadalka labada madaxweyne, islamarkaana ay ka qabaan rajo wanaagsan in ay helaan mowqifkooda ku aadan arrimaha doorashada Soomaaliya. 

Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe iyo Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa shalay ka baaqsaday shirkii aaya ka tashiga Mogadishu Clan, waxaana soo baxayay warar sheegaya in ay uga baaqdeen cadaadis uga yimid dhinaca Villa Somalia oo shirkaasi diidaneed. 

Beel Weynta Mogadishu Clan ayaa shalay si cad u diiday muddo korarsiga Madaxweyne Farmaajo, waxaana shirkaas ka maqnaa Madaxweyne Galmudug iyo HirShabeelle oo shirka la rajeynayay in ay ka soo qeyb galaan maadaama ay beesho degto degaanada iyo meelo kale oo Soomaaliya kamid ah. 

The post Xog: Sababta ay Qoor Qoor iyo Cali Guudlaawe ay uga baaqdeen shirkii Mogadishu Clan appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this