Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: ROOBLE oo u yeeray madaxda gudiyada doorasho kadib go’aan ay gaartay DF

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa u yeeray guddoomiyaasha guddiyada doorashooyinka qaranka, si loogu war-geliyo go’aan ay gaartay dowladda federaalka

Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in kulankan uu caawa ka dhici doono xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, waxaana ka soo baxaya xogo hordhac ah. 

Ilo ka tirsan guddiyada ayaa sheegay in Rooble uu guddoomiyaasha guddiyada fasixi doono islamarkaana uu la geli doono ballan ah in ay noqon doonaan dadka ugu horreeya haddii shaqadan ay ka gudubto caqabadaha horyaalla. 

Sidoo kale waxa uu kaga mahad-celin doonaa dhabar adeegii ay sameeyeen intii ay joogeen Muqdisho. 

Arrintaan ayaa ku soo aadaysa iyadoo Golaha Shacabka ee baarlamanka Soomaaliya uu muddo laba sano ah ugu dareen Madaxweyne Farmaajo, taas oo ka dhigan in laga maarmay baahidii guddigan.

Guddiyadan ayaa noqday khilaafkii ugu horreeyey ee caqabadda ku noqday doorashada, kadib markii ay dowladda kusoo dartay xubno ay mucaaradka iyo maamul goboleedyada qaar sheegeen inay yihiin sirdoon. 

The post Xog: ROOBLE oo u yeeray madaxda gudiyada doorasho kadib go’aan ay gaartay DF appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this