Deeq A. Posted April 20, 2021 Danjirihii hore ee dalka Mareykanka ee Soomaaliya Stephen Schwartz ayaa wareysi dheer oo uu siiyay laanta afka Soomaaliga ee VOA waxa uu kaga hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka. Stephen Schwartz oo haatan howlgab ah, kana tirsanayn dowlada Maraykanka ayaa ugu horreyntii la weydiiyay sida uu u arko xaaladda ay hadda ku jirto Soomaaliya, wuxuuna ku jawaabay in Soomaaliya ay meel khatar ah marayso. “Xaaladda waa mid qatar ah oo nasiib darro xambaarsan, waxay ila tahay looma baahneyn in xaaladda sidaan noqoto, balse haddii aan eegno sida ay aheyd xaaladda Soomaaliya afartii sano ee ugu dambeysay ee Farmaajo, waxaa jiray dhaqan joogto ah oo muujinayey inuusan rabin in la helo hanaan doorasho, lama qaadin tallaabooyinkii muhiimka u ahaa doorasho qof iyo cod ah ee dalka ay ugaga dhici lahayd,” ayuu yidhi Stephen. Stephen waxa uu sheegay in dowlada Soomaaliya ay tahay mid aan sharciyad haysan isla markaana uu Farmaajo xiriir ah la yeelan madaxda maamul Goboleedyada ee ka jira Soomaaliya marka laga reebo kuwa uu isaga ka caawiyey inay xilka qabtaan. Mar wax laga weydiiyay sida uu arko Beesha Caalamka cadaadiska ay saareyso dowlada. “Labadii bilood ama seddexdii bilood ee ugu dambeysay jawaabaha Dowladda Soomaaliya ee ku wajahan qoraalada Beesha Caalamka waxay ahaayeen kuwa aad u adag, waxay ila tahay inay isku dayayaan inay hadal ahaan muujiyaan awood iyagoo sheegayo inaan la qasbi karin, hase yeeshee aad ayey uga fiirsanayaan sababtoo ah beesha Caalamka ayey isku haleenayaan marka ay noqoto badbaadadooda, haddii ay ahaan laheyd kaalmada debadeed, deyn cafinta, xawaaladaha, iyo muwaaqifta ku aadan lacagaha sirta ah ee ka imaaneyso Qatar, Sidoo kale haddii ay lahaan laheyd tababarada Ciidamada Militariga oo ay siiso Turkiga, haddii ay ahaan laheyd nooc kasta oo taageero oo kala duwan ay ka helaan Eritrea, dhammaan beesha Caalamka oo kala duwan ayaa caawinayo Dowladda Soomaaliya, sidaa daraateed waa wax yaab leh inaad isugu yeerto inaad ka maarmi karto danahaas oo dhan iyo cadaadiska ay beesha caalamka waddo muhiimada waxa ay tahay soomaalida inay wax doortaan,” ayuu yidhi danjiraha oo ku ammaanay labadii madaxweyne ee ka horeysay Farmaajo sidii ay xukunka u wareejiyeen. Source Share this post Link to post Share on other sites