xiinfaniin Posted June 23, 2008 Speaking of Yam-yam, the poet once composed a belated response to the Guur aan ka la'aado poet! If anyone has Yam-yam's gabay please share with us. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Ducaysane Posted June 23, 2008 Enjoy. Godkii aakhiree lagugu riday jeer uunbaan galiye Naxariis gu weynbaan Rabigay kuu galiinsaday Aw Yuusuf gabaygii ahaa guur aan ka laaado Gabdhihii markaa joogay eed diiday gogoshooda Gefefkiyo tilmaamihii cadaa iid ku gali waydey Hadaad maanta goob joogi layd kama gidaadeene Geeraarka adigoon maqlayn kaagi garab yaala Cimrigiyo gabdhaha aan wakhtigan isku soo gaadhay Aniguna intaan uga gabaday geed aan ka idhaahdo Gablan iyo inaan ubad dhalaa wey gudboon tahaye Madaxayga guudkaad cirada galayax moodaaye Gabowgii waxaa iiga hadhay dhowr guyoo kale Guumays waxa iga dhigoo doobka igu gaaxshay Een dumar qaar uga gabaday geed aan ka idhaahdo Guduud iyo adoon qurux hurayn gaari aad xulatay Beri hore gayaan iyo kufbaa wada gudboonaaye Geelana midii qaayibtaa loo gunayn jiraye Intii aan bacow gaadan laa golo ku joog fiican Mar haday gar dhalad wada noqdeen guur aan ka la’aado Caadadii la gooyaaba waa geeri iyo ceebe Guudkii badnaa iyo tintii gelefka aad mooday Ee guur ninkii doonayaa muuqa garanaayey Garoob iyo midii reerle iyo taan la guri gaysan Gamboolay haday wada noqdeen guur aan ka la’aado Gaabsiga xishoodkiyo midaan edebtu soo gaadhin Ee maro guntiimaysatee gibilka qaar muuqdo Ee naasku inuu giigsan yahay wiilka gelinsiisa Markay wada gabraartaan intaan goyn lahaa madaxa Ana geeshku ii bixi lahaa guur aan ka la’aado Goobatada habaynkii gudeen goor walbaba joogsan Gasiiriyo midii aan Jimcaha geedka laga waayin Ee ina-rag kii nini wataa raaco gacanteeda Marna tii aan gaagixin hadii gorofka loo qaado Intay gaadhi iga raaci layd guur aan ka la’aado Geerashkiyo midii xeer taqaan qaadka gurigiisa Gogoshiyo falaasyadii midii kala dhex gowdiida Ee jaa’ifada loo guree lagu habayn guuro Ee labo gundoodoo nin kale galan galcaynaysa Intay galab rag kale ii keeni layd guur aan ka la’aado Garab rarato, meel kuma gabada, guura bahaleeya Sida igadh gandaalkeed la sido niman ku gaaf meera Gurashada sigaarkiyo shaxaad gees walba u baydha Markaa googo’ kii siinayaba gacalsatee raaca Waabaayaday gurubsataa taasuyee guur aan ka la’aado Ta cidiyaha aan gurin tintana gaabisee madhisa Goodaado beer dheer aan cunin dheefta gurigooda Gidaarada habaynkoo badh tegey wiil garbaha haysa Gorayada surwaalka leh midaan ruux u garan waayey Xidin-xiitadaa aan gam’ayn guur aan ka la la’aado Gunuus badan had iyo jeer gurxama deriska guul-guula Garba qaawan wiinbaar gashada gogol ma loo doona Gagabsiga yar mooyee marnaba guurka ma xusuusta Dhaylada midaa loo gadee awlal kaga goysa Xuurtaa aan hamuun goynahayn guur aan ka la’aado Ta aqoonta loo gado baree garasho loo yeelo Cilmigaa asaageedu gayo tii la garansiiyo Gargaariyo markii reer tashigi gacal ka eegaayey Hadii ay quraarado gashoo gaalo la ciyaarto Gablan bay adoogeed ka tahay laguma goohaane Cadho waalid bay galabsatee guur aan ka la’aado Garoob maal leh oo dhawr sacaad waabka soo gelisay Oo guri cariishiyo dukaan ganacsatee haysa Caanaha gadhoodhka ah ninkay gelin dhexaad siiso Noloshiisa anigow garlay guul ka dhigataaye Intii lay guhaadayn lahaa guur aan ka la’aado Mida guursatee guriga lee gabanadii tuurta Ee baladka gaashgaashisee gaatin soconaysa Ee goor qaboona ah baxdee godadka fiidmeerta Guuguulka waa lagu yaqaan raro-gubyood ka ahe Intay ubadka gaasiri lahayd guur aan ka la’aado Ta gugeedu weyn yajay asee gaanisada dheesha Een da’deed la gooshinee gurbaysnimo kufaanaysa Googoradda bowdada ka maqan xaluska giirgiiran Waa cudur nasoo galay asii aan la garanayne Gimrigeedii taa gabawartana guur aan ka la’aado Ta jacaylka gaadada u sudhan meel walbaba gaysa Ee dhawr nin guubaabisee laxawga gaadhsiisa Adaan gooni kuu ahay waxay kugu garaacdaaba Markaad labada ******* gaftay kaa xamaan guran e Dumaashiday intaan gocon lahaa guur aan ka la’aado Midda ganaca weyn lee ibtilo aasha loo galiyey Ee nabar la gaadhsiiyey iyo garac lasoo dhooftay Ee gabanka aabihiina tidhi waygu gacan saydhay Indha gudhay dhafoorada gotaad taa ku garataaye Ceebteedu ima soo gashee guur aan ka la’aado Guunyada middii aabaheed lagu galiimaysto Waxay gocato taan waayinoo gaajo wali taaban Ee gacanta maal ugu jiroo gaadhi dheer wadata Nin qudhaad u gaar tahay yaan ruuxna galinayne Intaan gaws libaax gali lahaa guur aan ka la’aado Guddoonkaygii goortaan intaa gacan-togaaleeyay Oon waliba soo gaabiyoo qaar u gali waayey Gogol iyo sariir aan lahayn gaari raaliyo ah Inaan galangalceeyaa tashiga iiga gow yidhiye Maxaa kula gudboonaan lahaa taniba waa goor e Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abtigiis Posted June 23, 2008 Xinn What laaxin? It is right. The man and his go' ma aha? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Ducaysane Posted June 23, 2008 Meel un ku ekow ninyohow. magac badal badanidaa. Quote Share this post Link to post Share on other sites
xiinfaniin Posted June 23, 2008 Many thanks to you yaa Ducaysane. Gaabsiga xishoodkiyo midaan edebtu soo gaadhin Ee maro guntiimaysatee gibilka qaar muuqdo Ee naasku inuu giigsan yahay wiilka gelinsiisa Markay wada gabraartaan intaan goyn lahaa madaxa Ana geeshku ii bixi lahaa guur aan ka la’aado A prevalent phenomenon in Somali malls in MN! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abtigiis Posted June 23, 2008 ^ I will come back to the original. Waa coping mechanism. Waan gabbanayaa. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Qandalawi Posted June 23, 2008 ^Its Go' and not Gu Yam Yam was a great poet and clean Somali nationalist. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Ducaysane Posted June 23, 2008 Ayeeydey baa bari inta Jarmalka aadey ii keentey shaar. marka shaarku shaar gabdheed buu ahaa. waxaan ku iri ayeeyo shaarkaanu waa shaar gabdheed. Markaasey waxay tiri. "War shaarka qaado waryaa. Yaa gabadh shaar ugu talagaley" LOOL Waxa gabdh shaar ka yar qabta oo Minneapolis taagan haday maanta arki lahayd. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Paragon Posted June 23, 2008 ^Looooooooooooooooooool. Bless her . Alla ya rahma, Yamyam. Originally posted by xiinfaniin: Many thanks to you yaa Ducaysane. Gaabsiga xishoodkiyo midaan edebtu soo gaadhin Ee maro guntiimaysatee gibilka qaar muuqdo Ee naasku inuu giigsan yahay wiilka gelinsiisa Markay wada gabraartaan intaan goyn lahaa madaxa Ana geeshku ii bixi lahaa guur aan ka la’aado A prevalent phenomenon in Somali malls in MN! And everwhere else Somalis congregate. 'Ana geeshku ii bixi lahaa guur aan ka la’aado' ayaa meel weliba ka taaggan. Quote Share this post Link to post Share on other sites
xiinfaniin Posted June 23, 2008 ^^^^ shidadu meel walbaa waa ka jirtaa adeer. Anna geeshku ii bixi lahaa guur aan ka la'aado The man was beyond his years. He composed this poem in eighties I believe, an era that well preceded the culture of 9.1.1 calls that we've accustomed here in the States. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Ducaysane Posted June 23, 2008 Yam Yam was one of those PPle I wanted to meet, and I finally met him in Ohio. Mid yaroo Soomali ah baa jiirtey Odaga asagoo jidka gooynaya. She did not have driver licinse and insurance both. Yaa laascaanood ku celiya. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Paragon Posted June 23, 2008 Xiinfaniin, Adeer arrinkaasi waa mid jira oon ishu laga daahan karayn. Goob waliba duul aad malayso in aan bisinka loo qaban ayaa sida musqul soo fakatay faradaro la yaacda. Hablahana intooda badan Eebaa u deeqay oo waa hanuunsan yihiin waloow ay jiraan qaar ay caqiidadoodu liidato... Marka intii laga fara-xalan lahaa oo guurkoodu uf la odhan lahaa inagoo bal ducadii gaagaabka ahayd afka saarno ayaa nala gudboon oo bal soo xero gelisa baadida inaga maqane hadana Mallalka yuururta . Quote Share this post Link to post Share on other sites
Qandalawi Posted June 23, 2008 ^War gabdhaha isaga hara, Abwaanku wuu saxsanaa tiisuna waa arin guud, idinku wixiinu waa kabadbadis, allow yaa inoo bilaaba miyay idinka ahayd. Lool @ Ducaysane, Laascanood Abwaan kasoo dilla idinkana Quote Share this post Link to post Share on other sites
Ducaysane Posted June 23, 2008 Kaare dille, What do you mean "idinkana" aniga yaad igu dartey. mida labaad nimankaas hada in la sugo ma ahane. ma qof laga dilaa hada ku jira. Sidii ay xagaa iyo Hargaysa u qabteen iskuma aanan fiicnayn nimankaas. Horta bal Garoowe ha laga xukumo. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Paragon Posted June 23, 2008 Kaare-Dille, oo adigu ma cidbaa ku wakiilatay ood abuukaati u tahay? Quote Share this post Link to post Share on other sites