Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro xula oo qaybo ka mid ah Qaarada Afrika laga soo qaaday todobaadkan Halkan kaga bogo

Recommended Posts

Deeq A.   

Sawirro xula oo qaybo ka mid ah Qaarada Afrika laga soo qaaday todobaadkan Halkan kaga bogo:

Sawirka oo la qaaday April 9, 2021.
Wiil yar oo wajiga ciid iska mariyey xilli uu ku ciyaarayey Xeebta Liido ee magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya.
Ninka wuxuu dhexda ugu jiraa miis ay ka buuxda Liin Macaan
Sawirkan oo talaadadi la qaaday ayaa muujinaya nin ka ganacsada Liin mcaanta oo suuq ka mid ah caasimadda Tuunis ee dalka Tuuniisya khudaartiisa ku soo bandhigay.
Gaadiidka dukaanka hormarayana waxay isha la raacayaan leyrka quruxda badan oo dukaanka lagu sharraxay.
Dukaan ku yaalla bartamaha magaalada Qaahira ee dalka Masar oo leyrar midabba leh lagu qurxiyey taasoo milkiilaha dukaanaka uu ugu dabbaaldagayo curashada bisha barakeysan ee Ramadhaan.
Masaajidka qaybta dumarka ay ku dukadaan ayay haweenka ku kulansan yihiin iyaga oo salaad sugayo.
Haween muslimiin ah oo ku nool caasimadda Harare ee dalka Zimbabwe oo ku sugan masaajid
Ninka keligii masaajidka ku tukanaya ayaa dhex fadhiya masaajidka.
Nin keligii salaad ku tukanaya masaajidka Nizaamiye ee ku yaalla magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika.
Laba haween ah oo xiran dhar labbis muujinaya astaanta ololaha doorashada ee xisbul xaakimka oo dallado kor u haya.
Taageerayaasha Madaxweyne Idiris Deby oo iisu soo bax ka dhigay caasimadda N’djamene maalin un ka hor inta ay cod bixinta doorashada billaabmin. Madaxweyne Deby ayaa afgambi militari ku qabsaday xilka sanadka marka uu ahaa 1990 isaga oo haatan u taagan marki lixaad in xilka loo doorto.
Carruurta ayaa sawirkooda ku cabbiraya arrima la xiriira isbeddelka cimilada iyo arrima kale oo heer caalami ah.
Carruur Arbacadi sawir ku soo bandhigay bartamaha magaalada Nairobi iyaga oo gudbinaya farriin la xiriirta saameynta ka dhalan karta isbeddelka cimilada.
Laba carruur oo huwan calanka Algeria oo agmaraya askar boolis ah
Laba carruur ah oo huwan calamka dalka Algeria oo ka qaybqaadanaya mudaharaad dowladda looga soo horjeeda oo Sabitidii marayey mid mka mid ah waddooyinka magaalada Algers.
Ninkan ayaa isku dayaya inuu deyrka ka boodo xilli ay ciidamada ilaalada xadka ay dhinaca kale ee deyrka ay taagan yihiin ayna u jeedaan.
Sawirkan oo Taaadadi la qaaday ayaa muujinaya qof isku dayaya deyr kala qaybiya Afrika iyo Yurub inuu ka boodo.
Labada nin waxay isku geeyeen oo ay hayaan shey carra ka sameysan oo ay qodaal ku soo saareen.
Mid ka mid agabka haraadiga ee lagu dhaqan jiray oo laga helay magaala hore oo baaba’day.
Darbigan sawirka ka muuqda ayaa lagu sheegay iney ka mid ahayd magaalooyinka qaddimiiga ah ee masar ee baaba'ay.
Waa sawir muujinaya magaala qadiimah oo qodaal ku soo saareen Khubaro baarto waxyaabaha qadiimiga ah oo u dhashay dalka Masar..
Ninka dhalinyarada ah wuxuu eegaya xagga badda isaga oo gacanta ku sita shey uu dabaasha u adeegsanayey
Nin dhalinyara ah oo badda ku dabaalanayey oo ay biya ka da’ayaan, sawirka oo Arbacadi lagu qaaaday Cape Verde

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this