Deeq A. Posted April 17, 2021 Madaxweynayaasha Galmudug Axmed Qoorqoor iyo Hirshabeele Cali Guudlaawe oo caawa la kulmay Mudharixiinta Kulankasoo guul daro ku dhamaadey kadib markii ay Musharixiinta u gudbiyeen codsi ay kawadeen Madaxweynaha Xilka kororsaday. Fariinta oo ahayd in Madaxweyne Farmaajo uu la kulmo Madaxweynayaashii hore, Musharixiintu waxay Qoorqoor iyo Guudlaawe u sheegeen in aysan caawa ka filayn inay Fariin ugasoo qaadaan Farmaajo. Kulanka ayaa lagusoo waramayaa in hadalo kulul la isdhaafsadey, ayna Musharixiintu ka xumaadeen in ay Qoorqoor iyo Cali guudlaawe Fariin kasoo qaadaan Farmaajo. Sida Puntlandi.com ay Xogta ku hayaan, Xasan Sheikh ayaa kulanka ka yiri “ Farmaajo xaqba uma laha inuu dalbado inuu nala kulmo, Musharxna ma aha, Madaxweynena ma aha, Waxaase aanan filayn in Caawa fariintaas aad idinku nookeentaan”. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa isna lagasoo sheegayaa inuu hadalo kulul ka yiri kulanka. Puntlandi.com Muqdisho The post Musharixiinta oo ku gacan sayray Codsigii Farmaajo appeared first on . Source Share this post Link to post Share on other sites