Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Farriinta Farmaajo loogu gudbinayo kulanka beesha caalamka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahin ayaa kasoo baxeysa shir u dhexeeya madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) iyo wakiilada beesha caalamka oo ka socda teendhada Afisyoone ee xerada Xalane.

Ilo-wareedyo diblomaasiyadeed ayaa Caasimada Online u sheegay in shirkan uu ahaa mid ay dalbadeen wakiilada Beesha Caalamka ee loo yaqaan C6+, kuwaas oo Farmaajo ugu yeeray inuu yimaado teendhada Afisyoone.

Xogta ana helnay ayaa sidoo kale sheegeysa in wakiilada beesha caalamka ay Farmaajo u gudbinayaan farriin adag oo kama dambeys ah oo la xiriira go’aanka ay ka qaateen muddo korosiga uu sameystay, kaasi oo ay billaabi doonaan dhaqan-gelintiisa haddii aanu ka laaban muddo kororsiga.

Waxaa sidoo kale Farmaajo kulanka loogu gudbinayaa nooca cunaqabateyn ee ay wajihi doonto dowladda federaalka, iyo xayiraadaha ay wajahayaan shaqsiyaadka ku lugta leh muddo kororsiga, oo uu ku jiro isaga.

Waxaa sidoo kale xayiraadaha wajahaya guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal iyo labadiisa ku xigeen Cabdiweli Ibraahim Muudey iyo Mahad Cabdalla Cawad, oo Farmaajo siiyey muddo kororsiga sharci-darrada ah.

Mareykanka iyo Midowga Yurub ayaa la sheegay inaysan marnaba aqbali doonin muddo kororsi, ayaga oo rumeysan inay taasi horseedi karto dagaal ka qarxa Muqdisho iyo dowladda fedreraalka ay gebi ahana burburto oo caasimadda laga eryo.

The post Xog: Farriinta Farmaajo loogu gudbinayo kulanka beesha caalamka appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this