Sign in to follow this  
Deeq A.

M/W Siciid Deni oo hortegay baarlamaanka Puntland iyo wariyeyaasha oo kulanka laga saaray

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (Caasimada Online) – Magaalada Garoowe ee xarunta Nugaal waxaa goordhow ka furmay kulanka xildhibaanada baarlamaanka dowlad goboleedka Puntland oo uu maanta ka qeyb-galayo madaxweynaha maamulkaasi, Mudane Siciid Cabdullahi Maxamed (Deni).

Kulankan oo ay goobjoog yihiin inta badan xildhibaanada golaha ayaa waxaa daah-furay guddoomiyaha baarlamaanka Puntland Cabdisamad Abwaanka, isaga oo amar ku bixiyey in Wariyeyaasha ku sugan hoolka ay banaanka uga baxaan kulankaasi oo ah mid xasaasi ah.

Cabdisamad Abwaanka ayaa shaaca ka qaaday in kulanka uu yahay mid wada-tashi ah oo u dhexeeya xildhibaanada iyo madaxweyne Siciid Deni.

Wararka ayaa sheegaya in Deni xildhibaanada uu la wadaagi doono warbixin ku aadan xaalada siyaasadeed ee dalka gaar ahaan fashilka ku yimid wada-hadallada doorashada.

Sidoo kale waxaa la filayaa in Puntland ay mowqif adag ka qaadato go’aanka golaha shacabka ee muddo kordhinta loogu sameeyey madaxweyne Maxamed C/llahi Farmaajo.

Puntland ayaa ka mid ah maamullada ay sida weyn isugu hayaan dowladda federaalka, iyaga oo isku qabtan hannaanka loo wajahayo doorashooyinka dalka ee 2021-ka.

The post M/W Siciid Deni oo hortegay baarlamaanka Puntland iyo wariyeyaasha oo kulanka laga saaray appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this