Sign in to follow this  
Deeq A.

Sacuudiga oo diiday inay caawiyaan Xukuumada Farmaajo, Sabab

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar rasmi ah oo aan hayno, Dowlada Sacuudiga ayaa ku gacan sayrtay codsi iga yimid Madaxweynaha Xilka kororsaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo wuxuu Sacuudiga ka codsadey Dhaqaale uu ku daboolo Booska ay banayn doonaan Reer Galbeedku, Codsigaan ayaa Madaxweynuhu Carabta ka dalbaday sababtoo ah waxaa jira cabsi ay Villa Soomaaliya ka cabsi qabaan in Wadamada hada taageera Siomaaliya ay Cunaqabatayn dhaqaale Saari doonaan Xukuumada Farmaajo, haday Wakhtiga kororsadaan.

Sacuudiga ayaa Madaxweyne Farmaajo uu u diray Wafdi u gudbiyaan Codsiga Madaxweyne Farmaajo, Laakiin Codsigaas wuxuu kusoo dhamaadey Guul daro, sida aan xogta ku hayno.

Dagaalkii Siyasadeed ee Wadamada Khaliijka, Madaxweyne Farmaajo wuxuu la safray Dalka Qadar oo ay Sacuudiga iyo Emaaraatka is hayeen, waxaana muuqata in Sacuudiga aysan Arinkaas ilaawin, halka Madaxweyne Farmaajo ay ka hoos baxdey ka hor intuusan Kaalmada waydiisan Sacuudiga.

Puntlandi.com Garowe

1C8481E7-405F-4C2C-B78F-34C5520ACDAA.jpe

The post Sacuudiga oo diiday inay caawiyaan Xukuumada Farmaajo, Sabab appeared first on .

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this