Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog:Xarunta Niyukleerka Iran ee Natanz & sirta shilalka ka dhaca?

Recommended Posts

Deeq A.   

Maxay tahay xarunta Niyukleerka Iran ee Natanz,iyo sirta shilalka ka dhaca?

Sawirka dayax-gacmeedka ee xarunta nukliyeerka Nuznz ee kobcinta uraniumka
Sawirka dayax-gacmeedka ee xarunta nukliyeerka Nuznz ee kobcinta uraniumka

Iran ayaa sheegtay in xarunta Nukliyeerka ee Natanz lagu soo qaaday “fal argagixiso nukliyeer ah,”.

Wasiirka Arimaha Dibadda ee Iran Mohammad Javad Zarif ayaa wacad ku maray inuu Iran ay ka aargoosan doonto kuwii ka dambeeyay, isagoo farta ku fiiqay Israa’iil.

Saraakiisha Iran waxay shaaciyeen in xaruntan ay cilad dhanka korontada ah ay ku timid Axadii.

Israa’iil si rasmi ah wali uma sheeganin mas’uuliyadda dhacdadan, laakiin warbaahinta dalkaasi ayaa tilmaamtay in dhacdadan ay ka dhalatay weerar ka yimdi Israa’iil oo “dhanka internetka ah”.

Sabtidii la soo dhaafay, Madaxweynaha Iran Xasan Rouhani ayaa xarigga ka jaray xarunta cusub, taas oo ah xarunta ugu weyn ee barnaamijka tayeynta uranium-ka ee Iran, xafladaasi oo si toos ah looga tebinayay telefishanka dowladda.

waxaa lagama maarmaan ah inay soo saaraan uranium tayo leh, oo loo adeegsan karo soo saarista tamarta laga dhaliya nukliyeerka.

Xaruntan ayaa horey waxaa uga dhacay dhowr shilal iyo weeraro, waxaana ka mid ahaa dab ka kacay sanadkii hore xarunta, mas’uuliyiinta Iiraan ee xilligaasna waxay ku sheegeen in uu ka dhashay “qalqal dhanka tiknoolajiyada ah”.

Sannadkii 2010, xaruntaas, iyo xarumaha kale ee nukliyeerka Iran, waxaa lagu qaaday weerarro “dhanka internet-ka” ah.

Weeraradan, ayaa waxay dhaliyeen barnaamij fayras adag oo loogu magac daray “Stuxnet” kaasi oo la galiyay kombiyuutarada xukumaya mashiinada si ay u kobciyaan uranium-ka xarunta Natanz, taasoo dhalisay in uu qal qal ku yimaado mashiinadana ayna is xakameyn waayaan.

Xarunta beekhaaminta Yuuraaniyamka Iran

Iran waxay leedahay dhowr xarumood oo nukliyeer ah iyo goobo qeyb ka ah hirgalinta hamigeeda barnaamijka nukliyeerka, sida: falceliyaha biyaha culus ee Arak, warshadda nukliyeerka Bushehr, macdanta Gashin uranium, warshad soo saarta uraniumka Isfahan, xarunta kobcinta uranium ee Fordo ee gobolka Qom , goobta militariga Parchin, iyo xarunta kobcinta uranium-ka ee Natanz.

Warshadda beekhaaminta yuuraaniyamka ee Natanz ayaa ah xarunta ugu weyn ee lagu kobciyo uranium-ka ee Iiraan. Waxay ku taal deegaanka Natanz, ee gobolka Isfahan ee Iiraan. Warshaddu waxay tayaynaysay uranium-ka tan iyo bishii Febraayo 2007.

Xaruntu waxay ka kooban tahay saddex dhisme oo waaweyn oo dhulka hoostiisa ah, oo awood-na u leh inay ka shaqeeyaan ilaa 50,000 ah mashiino kala soocaya waxyaabaha laga sameeyo niyukleerka.

 

Xaruntan waxay ka mid tahay dhowr xarumood oo nukliyeer ah oo ay kormeerto wakaaladda quwadda atoomikada caalamiga ah, si loo xaqiijiyo u hoganaansanaanta heeheshiiskii 2015, ay iran la galeen quwadaha waawayn.

Heshiiskan nukliyeerka ee ay la gashay quwadaha waawayn ee caalamiga ah, Iran waxaa lagula heshiiyay inay joojiso howlaheeda Niyukleerka xarunta Natanz ilaa 2026, iyo inaanay ku samaynin wax tayeyn Yuuraaniyam ah xarunta dhulka hoostiisa ku taalla ee “Fordow” ilaa iyo 2031.

Iraan ayaa arrintan ku badalatay in laga qaado cunaqabataynta dhanka dhaqaalaha ee saarnayd.

Mid ka mid ah xarumaha Niyukleerka Iran
Mid ka mid ah xarumaha Niyukleerka Iran

Heshiiska ayaa dhigaya in Iiraan ay soo saarto oo kaliya Yuraaniyam heerkeedu aad u hooseeyo, taas oo heerka kobcinta ay u dhaxeyso 3 ilaa 4 boqolkiiba Yuraaniyam-, taas oo loo adeegsan karo soo saarista tamarta nukliyeerka.

Yuraaniyamka loo adeegsado sameynta hubka wuxuu u baahan yahay kobcin dhan boqolkiiba 90 ama ka badan.

Balse sanadkii la soo dhaafay ayaa waxay dowladda Iran billawday inay ka laabato balanqaadkii heshiiskaasi ka dib markii uu heshiiska ka baxay madaxwaynihii hore ee Mareykanka Donald Trump islamarkana uu cunaqabataynadii laga qaaday Iran dib ugu soo rogay.

Bishii Nofeembar, Iran waxay sheegtay inay laba jibaarayso hormarinta barnaamijka niyukleerka ee xarunta .

Sawir dayax gacmeed oo muujinaya waxqabadka xarunta Nukliyeerka Iran ee Natanz, Janaayo 2021.
Sawir dayax gacmeed oo muujinaya howlaha xarunta Nukliyeerka Iran ee Natanz, Janaayo 2021.

Saxiixayaasha quwadaha reer galbeedka ee heshiiska Nukliyeerka Iran waxay u arkaan talaabadan mid xadgudub ku ah waajibaadka Tehran ee heshiiska, taas oo u ogolaaneysa Iran inay soo saarto oo kaydiso tiro kooban oo uranium ah oo hodan ah si loogu isticmaalo sameynta warasho ku sahqeeya tamarta nukliyeerka si logu isticmaalo ujeedooyinka inay shacabka ka faaideystaan.

Iran waxay dooneysay inay xoojiso xaruntan, iyadoo ku dhiseysa qeybaheeda muhiimka ah hoosta dhufeysyada culus ee dhulka hoostiisa.

Dagaal qarsoon

Weriyaha dhanka amniga ee BBC Frank Gardner, oo ka faaloonayay dhacdadii ugu dambeysay ee xarunta Natanz, wuxuu yiri: “waxyeelada soo gaartay barnaamijka nukliyeerka Iran iyo Iraan oo wacad ku martay in ay aargoosan doonto ay ku soo beegmayso iyada oo dhacdooyiinka isdaba-joog ah ay Iran iyo Israa’iil ku dhex mareen bariga dhexe.

“Waxaa jiray qaraxyo aan la aqoon oo lala beegsaday markab islamarkana labada dal waxay is waydaarsadeen eedeeymo ah masuuliyadda weeraradan.

Balse dhacdadii ugu muhiimsanayd ayaa ahayd dilkii Mohsen Fakhrizadeh oo maalin cad lagu toogtay bishii November, meel u dhaw magaalada Tehran.

Waxaa Mohsen looga shakiyay in uu yahay ninka furaha u ah barnaamijka niyukleerka Iran.

Waxaa Mohsen looga shakiyay in uu yahay ninka furaha u ah barnaamijka niyukleerka Iran.
Waxaa Mohsen looga shakiyay in uu yahay ninka furaha u ah barnaamijka niyukleerka Iran.

Ciidamada cirka ee Israa’iil ayaa dhanka kale waxay ka fuliyeen duqeymo dhanka cirka ah saldhigyo ay Iran ku leedahay Suuriya iyo goobo kale oo saraakiil Iran u dhalatay ay gacan siiyaan xoogagag Xisbulahi ee Shiicada ah.

Wariyaha BBC ee arrimaha amaanka ayaa hadalkiisa ku soo gabagabeeyay “Israa’iil waxay halis u aragtaa in barnaamijka niyukleerka ee Iran oo ay inuu halis ku yahay jiritaankeeda , waxana ay doonaysaa in ay carqaladeyso amaba ay gabi ahaaanba joojiso.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this