Deeq A. Posted April 15, 2021 Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha mamaulka Puntland Siciid Deni ayaa lagu wadaa in Sabtida soo socota uu hortago baarlamaanka maamulkaasi, si uu khudbad ugu jeediyo. Xildhibaanada Puntland ayaa loo diray farriin, iyada oo lagu war-geliya inay soo xaadiraan kulankaasi oo uu ka qeyb-gali doono madaxweynaha maamulkaasi. Deni ayaa xarunta baarlamaanka ka jeedin doono khudbad uu kaga hadlayo xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan is mari-waaga ka taagan doorashooyinka dalka. Wararka ayaa sheegaya inuu si gaar ah diirada u saari doono burburka ku yimid wada-hadalladii arrimaha doorashooyinka ee ka socday magaalada Muqdisho. Sidoo kale waxaa la filayaa in khudbaddiisa uu ku soo qaado go’aankii baarlamaanka ee muddo kordhinta loogu sameeyey hay’adaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Puntland ayaa horey uga hortimid tallaabada uu qaaday baarlamaanka Soomaaliya ee muddada labada sano ah loogu daray madaxweyne Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo). The post Siciid Deni oo hortegayo baarlamaanka Puntland + ujeedka appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites