Deeq A. Posted April 13, 2021 Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee qeybta guud ee booliska gobalka Banaadir Saadaq Cumar Xasan oo loo garan ogyahay Saadaq Joon, islamarkaana Isniintii xilka laga qaaday ayaa wali ku sugan magaalada Muqdisho, sida ay xaqiijisay Caasimada Online. Saacado kadib shalay markii uu hadlay ayaa laga qaaday xilka waxaana durba soo baxayay warar sheegaya in uu u baxay dalka Jabuuti, halka warar kalane ay tilmaamayeen in uu galay xerada Xalane, balse labadaas warba waa waxba kama jiraan. Caasimada Online ayaa xaqiijisay in Janaraal Saadaq Joon uu ku sugan yahay gurigiisa oo ku yaalla magaalada Muqdisho, gaar ahaan meel u dhaw garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Saadaq Joon waxaa la jooga ciidan iyo gaadiid dagaal oo ka tirsan ciidanka booliska Soomaaliya, kuwaas oo u go’ay xagiisa. Ilo wareedyo muhiim ah ayaa xaqiijiyay in uu heesto ciidan ku filan iyo gaadiid dagaal islamarkaana aysan jirin cid isku dayday qalqal gelinta amnigiisa. Saraakiil ciidan oo ka agdhow Saadaq Joon iyo siyaasiin kale oo ehelkiisa ah ayaa Caasimada Online u sheegay in Janaraal Saadaq uu dastuurka u ogolyahay in uu kamid noqdo siyaasiinta islamarkaana saraakiisha ciidanka haddii ay mar gaaraan darajooyin sare ay siyaasadda ku biiri karaan. Madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa darajadii ciidanimo ka xayuubiyey S/Guud Saadaq Cumar Maxamed (Saadaq Joon), sidoo kale guud ahaan xuquuqdiisii ciidanimo ayuu ka xayuubiyey. Saadaq Cumar Xasan ayaa hore u ahaa shaqsiyaadka ugu dhow Madaxweyne Farmaajo, hase yeeshee go’aankii uu qaatay Isniintii ayaa muujiyey in siyaasaddu aysan lahayn saaxiib joogto ah oo ay leedahay dan joogto ah. Maxay ahaayeen farriimaha uu Farmaajo dhibsaday ee Saadaq Joon diray? Farriintii Booliska “Booliska Soomaaliyeed waxaa saaran masuuliyad, khaasatan midka gobolka Banaadir waxaa saaran masulliyad ka weyn mid shakhsi – oo ah mid ciidan oo u baahan in aan xallinno wax kasta oo nabadgelyo darro u keenaya gobolkaan. Sidaa darteed maanta, ma doonayno in qalalaase ka dhaco magaalada Muqdisho ama gobolka Banaadir. Ma doonayno in dib dambe uu u soo laabto dagaal iyo aragti kala duwanaasho xabbad wadata oo aan u qalmin in ay qaranka Soomaaliyeed dib ugu soo laabato,” ayuu yiri. Farriintii Baarlamaanka “Barlamaanka Soomaaliya waxaan ka hakinnay kulankii ay lahaayeen. Waxaanu u hakinay kullanka in loo baahanyahay in wax boob ahi aanu dhicin oo is fahan siyaasadeed la gaadho. Baarlamaanka Soomaaliya na waxaan leeyahay afar sanno ayaad joogteen. Waa la idin soo doortay, doorasho na dib ugu laabta. Dadkii idiin soo doortay kalsooni dib u soo weydiista. Kadib imaada idinka oo xalaal ah. Shan iyo toban bilood oo la korodhsado oo dib inoo dhiga 15 sannadood ma doonayno, waxaa loo baahan yahay in masuuliyada wadareed la qaato,” ayuu yiri. Farriintii Ra’iisul Wasaaraha “Ra’iisul Wasaaraha waxaa ka codsanayaa ama u sheegayaa in wadanka mas’uuliyadiisa uu qaato, dadka is diidan oo wax kala xoogaya haku celiyo teendhada, shirkii ayaa furan, nabad ayaa furan, waxaan u baahannahay siyaasad mideysan. Siyaasiyiin haddaa tihiin in aad dantiina danta qaranka ka hormarisaan, looma baahna in aad hub isu uruursataan, haddaydaan caqli hayna, awoodda ciidanka iska leh. Doorasho ayaa loo baahan yahay. Mudane ra’iisal wasaare masuuliyaddaada qaado. looma baahna in aad meel fadhiisato oo wax lagu meeriyo, adigu waa in aad wax meerisaa,” ayuu yiri. Farriintii wasiir Dubbe “Wasiir Dubbe waxaan ku leeyahay dadkaaga dhinac ka raac, wax dambe oo laguu soo dhiibay ha akhriyin. Waxaad akhridaa wixii dalka dan ugu jirto, waxaad samaysaa wixii dalka dan ugu jirto,” ayuu ku soo gabagabeeyey Saadaq Joon fariintii uu iska soo duubay sababtay in deg deg xilka looga qaado kadibna darajadiisa ciidanimo laga xayuubiyo. Sharci yaqaanadu waxay qabaan in madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday uusan awoodaas la heyn oo sarkaal uusan ka xayuubi karin darajadiisa, maadaama uusan isagu sharci ku joogin xukunka. The post Xog: Xagee ku dambeeyaa Jeneraal Saadaq Joon? appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites