Deeq A. Posted April 13, 2021 Muhaajiriin ku dhimatay xeebaha Jabuuti Ugu yaraan 34 qof ayaa ku dhintay xeebaha dalka Jabuuti kadib ay qalibantay dooni ay saarnaayeen, sida ay ku warrantay Ha’yadda Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha socdaalka ee IOM. Doontan ay lahaayeen koox dadka tahriibisa ayaa siday 60 qof oomuhaajirin ah kuwaas oo kasoo qaxay dagaallada Yemen, waxay ku wajahnaayeen dalka Jabuuti, sida laga soo xigtay IOM. Waxay ha’yadda intaas ku dartay in aanan la ogeyn waxa sababay in doonta ay shilka gasho. Waxay sidoo kale walaac ka muujisay tobonaanka kun qof ee muhaajiriinta ah Afrikaanka ah ee galaya safar halis ah si u gaaran waddamada Khaliijka. 34 migrants have tragically died off the Coast of Djibouti after their boat capsized. The migrants were being transported by people smugglers. Second such tragedy in just over a month. 20 died & several injured in March — Mohammed Abdiker (@AbdikerM) April 12, 2021 Bishii lasoo dhaafay ayay aheyd markii 20 qof oo muhaajiriin ah ay ku dhinteen xeebaha Jabuuti kadib kooxaha wax tahriibiya ay 80 qof ka dajiyeen doonyo ay saarnaayeen dadkaas xilli ay marayeen badda Jabuuti. Qaran News Share this post Link to post Share on other sites