Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha S/land oo Hambalyo & Fariin Muhiima u diray Shacabka

Recommended Posts

Deeq A.   
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Shacabka Ku Hambalyeeyey Curashada Bisha Barakaysan Ee Ramadaan.
-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa shacabka reer Somaliland meel ay joogaanba iyo guud ahaan shucuubta Islaamka ku hambalyeeyay curashada bisha barakaysan ee Ramadaan oo caawa kaw ah.
Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi wuxuu ummadda Islaamka iyo shacabka reer Somaliland-ba u rajeeyey inuu Eebbe ku sugo khayraadka iyo xasanaadka bishan barakaysani ay xambaarsan tahay, isaga oo u rajeeyey inay wanaag iyo khayr ku gaadhaan bishan bisheeda, Ilaahayna waxa uu ka baryayaa inuu inaga dulqaado xanuunadan aduunka saameeyey iyo abaaraha soo noq-noqday, ummadda reer Somaliland iyo dalalka Islaamka ahna waxa uu alle uga baryayaa inuu bash-bash iyo barwaaqo ku gaadhsiiyo sanadkan sanadkiisa, Allena wuxuu uga baryayaa dambi-dhaaf, adduunyo san iyo aakhiro san inuu inagu simo, wixii dhibaatooyin ahna ummadda ka dul qaado.
Sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu ummadda reer Somaliland kula dardaarmay inay ka faa’iidaystaan khayrka bishan barakaysan ee Ramadaan, kuna dadaalaan cibaadada islamarkaana ay noqdaan kuwo dhexdooda ay gasho cafis, iyo is-jacayl, isagoo ku adkeeyay inay qaataan amarada guddida heer qaran ee u diyaar garawga iyo ka-hor-tagga xanuunka COVID-19 iyo talooyinka caafimaadka.
Ugu danbayntii waxa uu madaxweynuhu u ducaynayaa inta bukta ee u jiifta xanuunada inuu eebbe ka dulqaado, intii dhimatay ee aan soo gaadhin bishan barakaysana u danbi dhaafo, una naxariisto. Waxaanu madaxweynuhu rabbi uga rajaynayaa shacabka Jamhuuriyada Somaliland inay bishan bisheeda ku gaadhaan bash-bash iyo barwaaqo.
172634574_3821828811264277_4603579125753
173125036_3821828604597631_7080738243636

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this