Sign in to follow this  
Deeq A.

Yaa Fuliyey Weerarkii Shalay Lagu Qaaday Xarunta Nukliyeerka IRAN?

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Tehran)-Shil ka dhacay xarunta Nukliyeerka Iran ee Natanz Axaddii ayaa waxaa uu sababay ficil “argagixisanimo nukliyeer ah,” waxaa sidaas sheegay madaxda Nukliyeerka Iran Ali Akbar Salehi, sida uu ku warramay taleefishinka dowladda.

Salehi ayaa intaas ku daray in Tehran ay xaq u leedahay inay qaaddo ficil ka dhan ah kuwa fuliyey weerarka.

Raadiyaha Kan ee Israa’iil, ayaa kasoo xigtay ilo-wareedyo sirdoon oo aan la shaacin dhalashadooda, in sirdoonka Israa’iil ee Mossad ay fuliyeen weerar dhanka Internet-ka ah oo lagu qaaday xarunta.

Goor sii horreysay oo Axaddii ah, afhayeenka Ururka Tamarta Atoomika ee Iran (AEOI) ayaa sheegay in waxyeello gaadhay shabakadda korontada ee xarunta Natanz ay sababtay shilka.

Behrouz Kamalvandi, ayaa sheegay in wax khasaare ah ayna ka dhalan dhacdadan. Warbaahinta IRAN ayaa goor dambe sheegay in Kamalvandi uu dhaawac soo gaadhay isaga oo booqanaya xarunta, islamarkaana lug ay ka jabtay, madaxana uu dhaawac ka gaadhay.

Xaruntan oo ku taalla saxaraha gobolka badhtamaha ee Isfahan ayaa xudun ah barnaamijka kobcinta uranium-ka ee Iran, waxaana kormeera hay’adda caalamiga ee tamarta atoomika ee IAEA, oo hoostagta QM.

Israa’iil oo Iran ku eedeysay inay isku dayeyso inay dhisto hub nukliyeer ah, ayaan wax faallo ah ka bixin dhacadan.

Dhacdada ayaa timid maalin kadib markii Tehran oo beenisay inay sameysaneyo hub Nukliyeer ah ay xarunta Natanz ka billowday kobcin horumarsan oo uranium ah.

Reuters

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this