Sign in to follow this  
Deeq A.

“Waxaan Ka Digeynaa Muddo Kordhin Aan Sharci Aheyn…” Shariif Sheekh Axmed

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Muqdisho)-Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay ka digayaan muddo kordhin aan sharci ahayn iyadoo wali ay socdaan wada hadalladii doorashada.

Wuxuu nasiib-darro ku tilmaamay in madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo qorsheynayo in uu waqtiga dheereysto, taasoo keeni karta ayuu yidhi cawaaqib aan wanaagsaneyn.

”Waxaan rabaa in aan halkan ka cadeeyo in xiligan dalkan diyaar u aheyn in uu qaado, boob doorasho, wali dowladnimadeenu waa curdan waxey u baahan tahay in la ilaaliyo, waxaa nasiib darro ah iyadoo ay ku beegan tahay maalinta ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed 12ka April, in madaxtooyada Soomaaliya ka fikireyso sidii ay waqtiga ku dheereysan laheyd” ayuu yidhi madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.

Shakiga uu muujinayo madaxweynihii hore iyo ee guud ahaan siyaasiyiinta mucaaradka ayaa imanaya xili farriimaha loo diray xildhibaannada Baarlamaanka lagu sheegay in kulanka maanta ajandihiisu yahay mooshin la xidhiidha doorashada Soomaaliya.

Waxaa si weyn isha loogu hayaa ugu danbeyntii go’aamada fashiga Golaha ee maanta iyo xildhibaannadu u codeeyaan muddo kordhin loo sameeyo hay’addaha dastuuriga ah ee dowladda.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this