Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland oo lacag ugu deeqay Wadada Ceeldaahir-Ceerigaabo

Recommended Posts

Deeq A.   
1-13.jpg?resize=1000%2C697&ssl=1

Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa maanta ku wareejiyey Guddiga Waddada Ceeldaahir-Ceerigaabo $20,910 dollar oo u dhiganta 299 Foosto oo daamur ah.

Wareejinta dhaqaalaha looga qeyb-qaadnayo dhameystirka waddada Ceeldaahir-Ceerigaabo ayaa qeyb ka aheyd balan-qaadkii Baarlamaanka ee Shirweynihii daah-furka Ololaha Qof iyo Foosto ee Baarlamaanka balan qaadeen 367 Fuusto January 6, 2021.

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada DPL ayaa si shaqsi ah uga qeyb-qaatay 100 foosto oo daamur ah, halka 199 foosto kalena ay kaga qeyb-qaateen Xildhibaanada iyo Hawl-wadeenada Golaha, halka Golaha Baarlamaanka DPL ay ku hartay 68 Foosto oo daamur ah oo ay wareejin-doonaan Guddiga Bisha May, 2021.

PUNTLAND POST

The post Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland oo lacag ugu deeqay Wadada Ceeldaahir-Ceerigaabo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this