Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaan la Gole Yimi “Guddoomiyaha Xisbi Ee Musharrax Madaxweyne Doonayaa Waa Inuu 6 Bilood Ka Hor Iska Casilaa Xilka Guddoomiyaha Xisbiga”

Recommended Posts

Deeq A.   

Xildhibaan la Gole Yimi “Guddoomiyaha Xisbi Ee Musharrax Madaxweyne Doonayaa Waa Inuu 6 Bilood Ka Hor Iska Casilaa Xilka Guddoomiyaha Xisbiga”

 buubaa.jpg
 Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa oo ka tirsan Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI oo ka qayb-qaadanayey dooddii Xildhibaanada  Golaha Wakiillada ee xeerka ururrada iyo axsaabta ee wax ka baddelka iyo kaabista lagu sameeyey, ayaa soo jeediyey in loo baahan yahay in Guddoomiyayaasha Xisbiyadu ay iska casilaan xilka Guddoomiyenimo lixd bibood ka hor shir weynaha Xisbiga, isla markaana uu Xisbiga dhex-diisa ku tartamo Musharrax Madaxweynaha ee Xisbiga, balse isagoo Guddoomiye ah oo awood leh inuu Musharrax Madaxweyne Xisbiga gudihiisa ku tartamaa  ay dhawacayso dimuqraaddiyadii

Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa ayaa waxa kamid ahaa haddaladisii kuwan :-“ Musharraxa Madaxweyne ee Xisbi u tartamaya waxa looga baahan yahay  inuu isaga oo shaadhkii Guddoomiyenimada xidhan oo awooddii Guddoomiyenimada haysta inuu yidhaa waan la tartamayaa, yaa ila tartamaya oo uu soo fadhiisto halkan waa laga qurux baddan yahay dimuqraadiyaddiina wey ku baaba’aysaa  dadkii kale ee musharraxiinta noqon lahaa ee xisbiga ka tirsanaa cagta ayaa la saarayaa, cid dooranaysa iyo cid Gole Dhexe ah oo  u codaynaysaa midna ma jirto.”Ayuu yidhi Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa.

Xildhibaan Buubaa oo haddalkiisa sii wataa waxa uu intaasi ku daray: “Markaa waxa aan halkan kusoo dari lahaa Musharrax xisbiga guddihiisa u tartamaya inuu noqdo Musharrax Xisbiga ee Madaxweyne iyo Madaxweyne ku-xigeenkiisa in xilka Guddoomiyenimada lix bilood ka hor uu ka tago maalinta la qabanayo shirweynaha Xisbiga ee lagu dooranayo Musharax Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa .”ayuu yidhi

Dhanka kale Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa ayaa ku teliyey in doorashada Musharrax Madaxweyne ee Xisbiyadu ay noqoto mid Tageerayaasha Xisbiyadu ay cod ku kala saaraaan Musharraxiinta u tartamayaa Madaxweynaha iyo ku-xigeenka ee xisbiga  “Waxa kale oo aan soo kordhin lahaa marka musharraxa la xulayo maaha in Gole dhexe oo keli ahi ay xulaan, cidda tartamaysa ee Xisbiga dhexdiisa ku tartamaysa waa inay doorasho Xisbiga gudihiisa ah qabtaan oo lixda gobol ay soo maraan oo tartan furan lagu kala saaraa, tageerayaasha Xisbiga iyo kaadiriinta Xisbigu ay ku kala saaraan Musharraxa u noqonaya Xisbiga Musharrax Madaxweyne” ayuu yidhi Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa oo wakiilada ahi

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this