Sign in to follow this  
Deeq A.

Degdeg:Qasriga Boqortooyada Ingiriiska oo shaaciyey inuu geeriyooday Prince Philip oo ahaa Saygii Boqorada UK+Taariikh Nololeedkiisa oo dhamaystiran & Sawirro Waayo-waayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Qasriga Boqortooyada Ingiriiska oo shaaciyey inuu geeriyooday Prince Philip oo ahaa Saygii Boqorada UK

Prince Philip, Duke of Edinburgh

Prince Philip, oo ahaa Boqoradda Elizabeth II ninkeeda, ayaa geeriyooday isagoo 99 jir ah, sida uu shaaciyay qasriga Buckingham.

Amiirka ayaa boqoradda oo xilligaas ahayd Princess Elizabeth guursaday sanadkii 1947-kii, shan sano ka hor inta aysan noqonin boqorad, waxaana uu ahaa seygii muddada ugu badan kasoo howl galay taariikhda boqortooyada Ingiriiska.

Bayaan kasoo baxay qasriga Buckingham ayaa lagu yidhi: “Waa murugo qota dheer in Boqoradda ay ku dhawaaqdo geerida seygeeda ay jecleyd, Prince Philip, oo ahaa amiirka Edinburgh.

“Amiirka darajada boqortooyo leh waxa uu u geeriyooday si nabad ah isagoo ku sugan Windsor Castle.”

Prince Philip iyo boqoradda waxay isu dhaleen afar carruur ah, siddeed carruur ahna waxaa sii dhalay ilmahooda halka 10 ay carruurtaas kale sii dhaleen.

Taariikh nololeedka Prince Philip, Amiirka Edinburgh

The Duke of Edinburgh

Prince Philip, Amiirka Edinburgh, wuxuu qaddarin badan ku muteystay daacadnimada iyo taageerada joogtada ah ee uu la garab taagnaa Boqoradda.

Waxa uu ahaa door qof walba aad ugu adkaan lahaa, iskaba daa nin ka tirsanaan jiray taliska ciidamada badda oo aaminsanaa fikrado adag oo ku aaddan arrimo badan.

Sidaasoo ay tahayna shakhsiyaddiisa awoodda badneyd ayaa u suuragalisay in uu si buuxda u guto waajibaadkiisa, uuna taageero kal iyo laab ah siiyo xaaskiisa isagoo ku garab istaagay doorkeeda boqoradnimo.

Isagoo ahaa boqoradda ninkeeda, Prince Philip wax xil dastuuri ah ma uusan lahayn. Laakiin ma jirin qof boqortooyada ugu dhawaa ama ugu muhiimsanaa sidiisa oo kale.

Prince Philip oo kasoo jeeday Giriigga wuxuu dhashay 10-kii bishii June ee sanadkii 1921-kii, wuxuuna ku dhashay jasiiradda Corfu. Warqaddiisa dhalashada waxay muujineysaa in taariikhdii uu dhashay ay ahayd 28 May 1921, maadaama xilligaas Giriigga uusan ku dhaqmi jirin jadwal taariikheeda loo yaqaanno Gregorian-ka.

Aabihiis wuxuu ahaa Prince Andrew oo u dhashay Giriigga, wuxuuna ahaa wiilkii yaraa ee Boqor George I oo kasoo jeeday Hellenes. Hooyadiis waxay ahayd Princess Alice oo kasoo jeedday Battenberg, waxayna ahayd gabadhii ugu yareyd carruurtii uu dhalay Prince Louis oo reer Battenberg, walaasheedna waxay ahayd Earl Mountbatten oo kasoo jeedday Burma.

Kaddib markii uu dhacay afgambigii d’etat sanadkii 1922-kii, aabihiis waxaa laga soo eryay Giriigga kaddib markii ay ciqaabtaas ku riday maxkamad ay sameysteen kacdoonkii xukunka ka tuuray.

Markab dagaal oo laga lahaa Britain, oo uu soo diray ina-adeerkiisii (ama inabtgisii) labaad ee lagu magacaabi jiray Boqor George V ayaa qoyska u kaxeeyay Talyaaniga. Philip oo markaas ilmo yar ahaa wuxuu safarka badda intiisii badnaa ku dhex jiray dambiil laga sameeyay kartoonka oronjada.

Princess Alice of Greece and her son Prince Philip in 1924, after being exiled from Greece with Philip's father, Prince Andrew of Greece.
Hooyadiis, Princess Alice, waxaa ayeeyo labaad u ahayd Boqorad Victoria
White Line 1 Pixel

Wuxuu ahaa cunuga ugu yar, ahna wiilka kaliya ee ku jiray qoys carruurtoodu wada gabdho ahaayeen – carruurnimadiisii ugu horreysayna wuxuu ku qaatay jawi jacayl ku dheehan yahay.

Amiirku wuxuu waxbarashadiisa ku billaabay dalka Faransiiska, laakiin markii ay da’diisu ahayd toddobo sano wuxuu tagay England si uu ula noolaado qaraabadiisa reer Mountbatten, halkaasoo uu dugsigiisa sare ka dhigtay degmada Surrey.

Xilligaas markii la joogay hooyadiis waxaa ku dhacay cudurka schizophrenia – oo ah xanuun waxyeelleeya dhimirka qofkana u diida in uu fakaro ama si caadi ah u dhaqmo – waxaana la siiyay magangalyo. Amiirka da’da yar xiriir aad u xaddidan ayuu la lahaa iyada.

Sanadkii 1933-kii, waxaa loo diray Iskuulka Schule Schloss Salem ee ku yaalla dalka Jarmalka, kaasoo uu maamulayay macallinkii waxbarashada ku xeel dheeraa ee lagu magacaabi jiray Kurt Hahn. Laakiin dhowr bilood kaddib, Hahn, oo Yuhuud ahaa, wuxuu ku khasbanaaday in uu ka cararo Naaziga.

Dhaqan safarrada badda ah

Hahn wuxuu u guuray Scotland, halkaas oo uu ka aasaasay iskuulka Gordonstoun, kaasoo amiirka loo soo baddalay kaddib markii uu labo sanad-dugsiyeed kaliya kusoo qaatay Jarmalka.

Gordonstoun oo ahaa iskuul rafaad badan, qof walbana laga doonayo inuu is dabaro, ayaa hoy u noqday wiilka dhowr iyo tobanjirka ah, ee waalidkiisa ay kala fogaadeen, dareemayayna inuu kaligiis yahay.

Maadaama ay jirtay saansaan dagaal, Amiir Philib wuxuu go’aansaday in uu xirfaddiisa ka dhigo militari. Isagu wuxuu doonayay in uu ku biiro Ciidamada Cirka ee Boqortooyada laakiin qoyska hooyadiis ayaa lahaa dhaqan ku safridda badda ah sidaas awgeedna wuxuu tababar ka billaabay macadka ciidamada badda Britain ee Britannia Royal Naval, oo ku yaalla Dartmouth.

Intii uu halkaas ku sugnaa waxaa loo xil saaray in uu wehliyo labada Amiirad ee yar yar, Elizabeth iyo Margaret, mar ay boqor George VI iyo boqorad Elizabeth booqasho ku tageen macadka tababarka ciidanka badda.

Sida laga soo xigtay goob jooge, Amiir Philib si wanaagsan ayuu uga soo baxay shaqadiisa. Laakiin kulankaas wuxuu aad u cajabiyay Amiirad Elizabeth oo ahayd 13 jir.

Philip si dhakhso ah ayuu u caddeeyay in mustaqbalkiisa uu aad u wanaagsan yahay, wuxuuna heerka ugu sarreeya ka galay fasalkiisa bishii January ee sanadkii 1940-kii, wuxuuna markii ugu horreysay nasiib u yeeshay in uu ficil militari ku arko Badweynha Hindiya.

Philip in costume as Macbeth

Philip (oo ah qofka fadhiya) wuxuu heer fiican ka gaaray waxbarashadii iskuulka Gordonstoun, halkaas oo uu caqabado badan kula kulmay
White Line 1 Pixel

Waxaa loo gudbiyay Markabka dagaalka ee HMS Valiant oo qeyb ka ahaa maraakiibtii ku sugneyd badda Mediterranean-ka, halkaas oo markii dambena magaciisa lagu xusay kaalintii uu ku lahaa Dagaalkii Cape Matapan ee 1941-kii.

Maadaama uu ahaa askari mas’uul ka ah nalalka wax lagu raadiyo, wuxuu qaatay kaalin muhiim ah oo qeyb ka ahayd howlihii dhacay habeenkaas howlgalka taariikhiga ah la fuliyay.

“Waxaan arkay markab kale, wuxuuna ka holcay bartanka, mar qura ayuu ku hoos aasmay madfaca hoobiyaha ah ee salvo of 15in, oo loogu riday qaab cabir ah,” ayuu ku yidhi wareysi uu sanadkii 2014-kii siiyay idaacadda BBC Radio 4.

Markii la gaaray bishii October ee sanadkii 1942-kii, wuxuu ka mid noqday labo-xidigleyaashii ugu da’da yaraa ee abid ka mid noqda Ciidamada Badda ee Boqortooyada, isagoo ka howl galayay Markabka burburiyaha ah ee HMS Wallace.

Faraanti gelin

Muddadaas oo dhan, isaga iyo amiiradda da’da yar ee la yiraahdo Elizabeth waxay isdhaafsanayeen warqado, dhowr jeer ayaana lagu martigaliyay in uu la joogo qoyska boqortooyada.

Mid ka mid ah booqashooyinkaas, oo dhacday xilligii ciidda masiixiyiinta ee sanadkii 1943-kii, ayey Elizabeth miiskeeda labiska saartay sawirka Philip oo xiran dharka ciidanka badda.

Xiriirkooda wuxuu sii xoogeystay waqtigii nabadda, inkastoo uu kasoo hor jeestay mid ka mid ah la taliyeyaasha boqortooyada – kaasoo Amiir Philib ku tilmaamay “qof qallafsan oo si khaldan u fikira”.

Laakiin amiiradda da’da yar jacayl daran ayaa hayay, sanadkii 1946-kiina ninka ay iscalmadeen ayaa boqorka ka dalbaday in uu gacanteeda u dhiibo si uu u guursado.

The Duke of Edinburgh inspecting Canadian Sailors at Pirbright, 1953
Philip wuxu lahaa xirfad ciidamada badda ah oo aad loo qaddarin jiray

Hase yeeshee, inta aan lagu dhawaaqin faraangelintooda, Amiirka wuxuu u baahnaa inuu dhalasho cusub helo iyo in uu yeesho magac qoys. Waa inuu ka tanaasulo xilkiisa boqortooyo ee Giriigga, uuna noqdo Muwaadin British ah islamarkaana uu qaato magaca qoyska hooyadiis ee ingiriiska ah, Mountbatten.

Maalintii ka horreysay xafladdii arooska, Boqor George VI ayaa xilka ku biirista boqortooyadiisa ku sharfay Philip, subaxdii uu arooska dhacayayna waxaa loo magacaabay inuu noqdo Amiirka Edinburgh, Merioneth iyo Greenwich.

Arooska wuxuu ka dhacay kaniisadda Westminster Abbey 20-kii bishii November ee sanadkii 1947-kii. Waxay ahayd sidii uu u dhigay Winston Churchill, “Iftiin midabo leh” oo bidhaamiyay Britain markii ay dagaalka ka soo baxday.

Xirfaddii shaqo oo la xaddiday

Amiirka xilka cusub la wareegay wuxuu dib ugu laabtay xirfaddiisii ciidamada badda, waxaana la geeyay Malta, halkaas oo uu in xoogaa ah joogay ugu yaraan, si ay lamaanaha u arkaan nolosha dadka caadiga ah ee qoysaska kale ee aan boqortooyada ka tirsaneyn.

Wiilkooda, Amiir Charles, wuxuu ku dhashay Qasriga Buckingham sanadkii 1949-kii, gabadhooda, Amiirad Anne, waxay iyaduna dhalatay 1950-kii. Waxaa markii dambe kusoo biiray Amiir Andrew oo dhashay 1960-kii iyo Amiir Edward oo dhashay 1964-kii.

2-dii bishii September ee sanadkii 1950-kii, wuxuu hirgaliyay guusha uu askari walba oo ka tirsan ciidanka badda ku hamiyo kaddib markii taliye looga dhigay guuto u gaar ah, oo ah Markabka dagaalka ee HMS Magpie.

Laakiin xirfaddiisa ciidanka badda waxay ku socotay in la xaddido. Xaaladdii caafimaad ee George VI oo sii xumaaneysay awgeed gabadhiisa ayaa ku khasbanaatay in ay la wareegto waajibaad dheeraad ah oo la xiriira boqortooyada, waxayna u baahatay in ninkeeda uu garab taagnaado.

Princess Elizabeth marries Philip Mountbatten
Tallaabadii uu ku guursaday Amiirad Elizabeth waxaa lagu qeexay “Iftiin midabeeyay Britain Dagaalkii kaddib”
White Line 1 Pixel

Philip wuxuu fasax ka qaatay Ciidamada Badda ee Boqortooyada bishii July ee sanadkii 1951-kii. Waligiis dambe kuma uusan laabanin shaqada.

Amiirka ma uusan ahayn nin qoomameeya, laakiin goor dambe wuxuu sheegay in uu ka xun yahay inuu sii wadan waayay xirfaddiisii ciidamada badda.

Dadkii ay isku loodka ahaayeen waxay sheegeen in uu sii wadan karay howshiisa, haddii uu sidaas sameyn lahaana uu gaari lahaa darajada ugu sarreysa ee ciidanka badda.

Sanadkii 1952-kii, lamaanaha boqortooyada waxaa loo diray safar ku wajahnaa dalalka Barwaaqo sooranka oo markii hore uu qorshaha ahaa in ay aadaan Boqorka iyo Boqoradda.

Fikrado casriyeyn ah

Iyagoo jooga beer xayawaannada lagu xannaaneeyo oo ku taalla dalka Kenya ayaa bishii February ee sanadkii 1952-kii loo soo sheegay warka ku saabsan in uu Boqorka geeriyooday. Wuxuu u dhintay xanuun ku dhaca wadnaha oo halis ah.

Amiirka ayey waajib ku noqotay in uu xaaskiisa u sheego in ay hadda iyadu tahay Boqorad.

Qof saaxiib la ah ayaa goor dambe marxaladdaas ku qeexay in Amiir Philip uu u muuqday Qof dusha laga saaray “kala bar ka mid ah adduunka”.

The Duke of Edinburgh pays homage to his wife, the newly crowned Queen Elizabeth II, during her coronation ceremony, 1953
Philip wuxuu ahaa qofkii ugu horreeyay ee qaddarin dadweynaha hortooda ugu muujiya Boqoradda markii Taajka loo xiray

Maadaama uu waayay xirfaddiisii ciidamada badda, wuxuu ku khasbanaa in uu yeesho door u gaar ah, markii ay Elizabeth boqortooyada la wareegtayna waxaa sii weynaatay su’aasha ku aaddan waxa uu doorkiisa noqon karo.

Markii uu soo dhawaaday caleemasaarka boqoradda, warqad kasoo baxday boqortooyada ayaa lagu sheegay in Amiir William uu leeyahay muhiimadda ku xigta Boqoradda, haddana sidaas oo ay tahay waligiis ma uusan qabanin xil dastuuri ah.

Amiirka wuxuu hayay fikrado badan oo ku saabsan sidii loo casriyeyn lahaa loona naqshadeyn lahaa boqortooyada, laakiin waxaa aad uga soo hor jeestay qaar ka mid ah odayaashii muddada dheer la taliyeyaasha kasoo ahaa qasriga.

Guuldarro qaraar

Tamartii badneyd ee uu hayay intuu isu geeyay ayuu sameystay nolol dhinaca bulshada ah. Isaga iyo koox saaxiibbo rag ah ayaa isbuuc walba ku kulmi jiray qolalka sare ee makhaayad ku taalla deegaanka Soho ee bartamaha London.

Waxay tagi jireen, kuna soo daahi jireen baararka lagu caweeyo inta badanna waxaa lala soo sawiri jiray saaxiibbo qurux badan.

Hal meel oo uu Amiirka xor u ahaa in uu maamulo waa qoyskiisa, inkastoo uu ku guul darreystay dagaalkii ku aaddanaa magaca ay carruurtiisa qaadan doonaan.

The Queen & Prince Philip in 1953 at Maida Vale
Wuxuu ku khasbanaaday in uu la qabsado nolosha ku kooban inuu ahaado Boqoradda ninkeeda

Go’aankii boqoradda ee ahaa in qoyska uu qaato magaca Windsor, halkii ay qaadan lahaayeen magaca qoyska Mountbatten, ayaa ku noqday guul darro qaraar.

“Waxaan ahay ninka kaliya ee waddankan aan looga oggolaanin inuu carruurtiisa magaciisa siiyo,” ayuu ugu cawday saaxiibbadiis. “Wax aan ahay ma jiro oo aah ka ahayn amoeba xun.” (amoeba waa unug ka mid ah unugyada jirka)

Waalid ahaan, Amiir Philib wuxuu noqon karaa qof xasaasi ah iyo qof aan dareen lahayn labadaba.

Sida uu sheegay ninka qoray taariikhda Amiir Charles, oo lagu magacaabo Jonathan Dimbleby, Charles wuxuu la ooyay hadallada ay aabihiis ku canaantaan dadweynaha, xiriirka wiilka curadka ah iyo aabihiisna waligiis ma hagaagsaneyn.

Shakhsiyad awood leh

Philip wuxuu ku adkeystay in Amiir Charles uu waxbarasho u aado iskuulkii uu isagu horay usoo dhigtay ee Gordonstoun, isagoo aaminsanaa in culesyada ka jira halkaas ay wiilkiisa ka caawin karaan inuu ka baxo caajisnimada.

Markii halkaas loo diray, amiirka da’da yar wuu nacay iskuulkaas, kaddib markii uu la xanuunsaday xiisada uu u qabay guriga, inta badanna ciyaalka iskuulka ay ku dhibeen iyagoo si gaar ah u bartilmaameedsanayay.

Amiirka aabaha ah wuxuu iskuulkaas ad adeyg uga qaaday maadaama uu markii horeba lasoo qabsaday kalinimada, intii uu carruurta ahaa.

Isagoo aad u da’ yar ayaa lagu khasbay in uu isdabaro kaligiis wayna ku adkaatay in uu fahmo sida aysan cid walba awooddaas shakhsiyeed oo kale u lahayn.

Prince Charles arrives at Gordonstoun
Go’aankiisii uu ugu adkeystay in Amiir Charles uu dhigto iskuulka Gordonstoun ayaa sababay in cadaawad ay ka dhex dhalato wiilka iyo aabihiis

Mid ka mid ah walaacyadii ugu waaweynaa ee Amiir Philib wuxuu ahaa sidii samafal loogu sameyn lahaa dhalinyarada, sanadkii 1956-kii ayuuna isagoo arrintaas ka duulaya daah furay barnaamijka sida weyn u guuleystay ee Abaalmarinta Amiirka Edinburgh.

Sanadihii uu arnaamijkaas socday wuxuu sahlay in ilaa lix milyan oo dhalinyaro ah oo isugu jira kuwo lixaadkooda qaba iyo kuwo naafo ah oo dhammaantood ay da’doodu u dhaxeyso 15 ilaa 25 sano ay caalamka oo dhan ka kala yimaadaan kuna loollamaan jir ahaan, maskax ahaan iyo dareen ahaan iyagoo sameynaya bandhigyo la daawado oo loo naqshadeeyay si loo xoojiyo wadashaqeynta, iscaawinta iyo qaddarinta dabiiciga.

“Haddii aad heli kartid dhalinyaro ku guuleysta noocyo ka mid ah bandhigyada, ficilkaas cajiibka ah wuxuu usii gudbayaa dad kale oo badan,” ayuu ku yidhi BBC-da.

Intii uu noolaa oo dhan Amiirku wuxuu waday inuu waqti badan galiyo barnaamijkaas, isagoo ka qeyb galay munaasabado badan sidoo kalena qeyb ka noqday howlaha barnaamijkaas ee maalinlaha ah.

‘Hab anshax leh’

Waxa uu sidoo kale u doodi jiray xayawaanka duur joogta ah iyo deegaanka, inkastoo ay caro ka dhalatay mar uu shabeel ku toogtay dalxiis uu ku joogay waddanka Hindiya, sanadkii 1961-kii.

Markii la baahiyay sawir muujinaya shabeelka oo loo soo bandhigay sidii koob lagu guuleystay, ayey carada kasii dartay sidii hore.

Hase yeeshee markii dambe waxa uu isagoo saameyntiisa adeegsanaya juhdi aad u badan iyo dhaqaale ku bixiyay ilaalinta Xayawaanka Duur Joogta ah. Waxa uu dadaalkisii isu baddalay Sanduuqa Caalamiga ah ee lagu maalgaliyo bii’ada, wuxuuna si dabiici ah ugu muuqday in uu noqday madaxweynihii ugu horreeyay ee hayaddaas.

Philip sits atop an elephant while visiting the Kanha Game Reserve today during his ten day tour of India with the Queen
Amiirka Edinburgh wuxuu tamar badan galiyay ilaalinta Xayawaanka Duur Joogta ah iyo deegaanka, dhaqaale badanna wuu u huray

in ay arrin cajiib ah tahay inaan adduunka ku heysanno nolol noocyo kala duwan leh, oo dhammaanteedna kala madax bannaan,” ayuu ku yidhi wareysi uu siiyay BBC-da.

“Waxaan u maleynayaa in sidoo kale haddii annaga oo bani’aadanka ah aan heysanno awoodda nolosha iyo geerida – ama baabi’idda ama badbaadidda – waxaan u isticmaali lahayn hab uu anshax ku dheehan yahay. Maxaad u baabi’ineysaa wax haddii aadan ku khasbaneyn?”

Wuxuu ka xanaajiyay qaar ka mid ah dadka u dooda xayawaanka markii uu difaacay toogashadii xayawaanka uu ku sameeyay ee cabashada sababtay.

“Haddii aad heysatid xayawaan aad ugaarsatid, waxaad u ugaarsaneysaa si aad u noolaatid sababtoo ah waxaad rabtaa inaad sanad kale gaartid – waa isla sida beeraleyda. Waxaad dooneysaa inaad dalagga soo goosatid, mana kala sooceysid.”

Aftahannimo

Laakiin waxaa aad loogu amaanay sida uu ugu dadaalay in la ilaaliyo keymaha caalamka iyo olole uu u sameeyay yareynta kalluumeysiga laga sameeyo badana caalamka.

Amiir Philip waxa uu sidoo kale daneyn jiray warshadaha, isagoo booqday warshado badan islamarkaana taageero dhinaca dhaqaalaha ah u fidiyay dadka adeegsada warshadaha, oo hadda loo yaqaanno Aaasaaska Shaqada.

Koox warshadleyaal ah ayuu sanadkii 1961-kii Amiirku u muujiyay dabeecad caajisnimo ah markii uu ku yidhi: “Mudaneyaal, waxaa la joogaa waqtigii aan faraha kala bixi lahayn.”

The Duke of Edinburgh is seen trying the passenger's seat of the new 3.5 litre Jaguar XKSS sports car during his visit to the Motor Industry Research Association's headquarters near Nuneaton, Warwickshire
Waxa uu aad u daneyn jiray howlaha Warshadaha ee Britain
White Line 1 Pixel

Hadalka noocan ah ee loo arkayay in uu ahaa mid aftahannimo ah waxay dadka qaar u fasirteen qallafsanaan mararka qaarna dhibaato ayuu kala kulmayay. Waxaa hubaal ah in uu magac ku kasbaday siyaabo uu u xukmiyay xaalado taagnaa, gaar ahaan marka uu dibadda ku maqnaa.

Mid ka mid ah hadalladiisii muranka ugu weyn dhaliyay wuxuu sheegay mar uu Boqoradda ku wehlinayay booqasho ay ku tagtay Shiinaha sanadkii 1986-kii. Waxa uu sheegay hadal uu u maleynayay mid khaas ah oo aysan cid kale maqleynin oo ku saabsan “indho dhuuban”.

Wargeysyada ayaa aad u buunbuuniyay, inkastoo ay u muuqatay in Shiinaha uu ka ahaa hadal aan aad wax looga soo qaadin.

Booqasho uu sanadkii 2002-dii ku tagay Australia, ayuu nin ganacsade ah oo ka tirsan qabiilladii Australia horay u daganaa intii aysan reer Yurub halkaas gaarin waxa uu ku weydiiyay in “ay wali fallaaro isku tuuraan iyo inkale”.

Xiisado

Walow aad loogu dhaliilay hadallada qaar ee uu jeediyay, dad kale waxay u arkayeen in ay ka turjumayeen qof si iskiis ah u hadlayay oo kasoo horjeestay inuu ku tiirsanaado siyaasad iyo isasixitaan joogto ah.

Run ahaantii, dad badan waxay waxa lagu sheegay “hadalladiisa ceebta keenayay ee afkiisa kasoo baxsanayay” u arkayeen wax aan ka badneyn madadaalin.

Intii uu noolaa oo dhan, Amiir Philib waxa uu si joogto ah u jeclaa ciyaarada. Maraakiib ayuu shiraacay, wuxuu ciyaaray cricket iyo polo, wadista fardaha, waxa uuna sannado badan ahaa madaxweynaha xiriirka caalamiga ah ee fardo fuulka.

Prince Philip playing polo
Waxa uu aad u jeclaa ciyaarta polo ee loo adeegsado fardaha

Xiisadaha kala dhaxeeyay wiilkiisa curadka ah waxay bannaanka usoo baxeen kaddib markii la daabacay taariikh nololeedka uu Jonathan Dimbleby ka qoray Amiir Charles.

Amiirka Edinburgh, waxaa sida la sheegay, uu Charles ku riixay inuu guursado Marwo Diana Spencer.

Sidaasoo ay tahayna Amiirku aad buu uga walaacay markii carruurtiisa ay dhibaato kala kulmeen guurka.

Wuxuu hoggaaminayay dadaalladii lagu doonayay in lagu fahmo meesha ay ka socoto dhibaatada, oo laga yaabo in ay asal ahaan ka timid culeyskii uu kala kulmay in uu haweeney ka guursaday qoyska boqortooyada.

Xajka

Amiir Philip wuxuu aad uga murugooday soo afjarmiddii guurka saddex carruur ah oo uu dhalay – Amiirad Anne, Amiir Andrew iyo sidoo kale Amiir Charles.

Laakiin mar walba wuu diidi jiray in uu ka hadlo arrimaha shakhsiga ah, isagoo sanadkii 1994-kii wargeys u sheegay in uusan sidaas horay u sameynin waligiisna sameyn doonin.

Sannadaha ay caqabadaha soo food saarayeen waxba iskama baddalin noloshiisa. Waxa uu sii waday in uu u safro si aan kala joogsi lahayn, maadaama uu ku mashquulsanaa howlaha Hayadda Sanduuqa Bii’ada (World Wide Fund for Nature) iyo waliba booqashooyinka ay boqoradda ku tageysay dalalka dibadda oo uu ku wehlinayay.

The Duke of Edinburgh (left) takes part in the Pony-Four-in-Hand
Wadista Fardaha waxay ka mid ahayd noocyada ciyaaraha ee uu jeclaa Amiirka
White Line 1 Pixel

Marna waxa uu si shakhsi ah ugu soo xajiyay Qudus sanadkii 1994-kii si uu usoo booqdo qabriga hooyadiis. Rajadeedii ahayd in halkaas lagu aaso ayaa loo hirgaliyay.

Ficil kale oo xanaaq abuuray ayuu sameeyay markii 1995-kii la xusayay sanad guuradii 50-aad ee kasoo wareegtay Maalinta VJ, oo ah maalintii ay Japan isdhiibtay markii uu socday Dagaalkii Labaad ee Adduunka.

Amiir Philip waxa uu saarnaa markab burburiye ah oo ay Britain leedahay oo ku sugnaa Tokyo Bay markii ay Japan isdhiibtay xilligii Dagaalkii Labaad ee Adduunka, markii xuska la sameynayayna, waxa uu ku biiray rugcaddaayo kale oo ka socday ololihii Bariga Fog, iyagoo Boqoradda ku dhaafay waddada The Mall.

Codad diirran

Waxa uu sidoo kale naxariis u muujiyay maxaabiistii hore ee Japan ee la kulmay xaaladda adag, ee aan macquulka ahayn, si ay u cafiyaan wixii lagu sameeyay.

Qallafsanaantiisa xoogaa yar ayey dib usoo kacday dhowr sano kaddib, taasoo ay sabab u ahayd markii ay shacabka qaarkood ku cadowsadeen boqortooyada wixii ka dambeeyay geeridii Diana, Amiiraddii Wales.

The Duke with Diana, Princess of Wales
Waxa uu taageero weyn u muujin jiray Diana, Amiiraddii Wales

Sanadkii 2007-dii, warqado ay isweydaarsadeen Amiirka iyo Amiirad Diana ayaa la shaaciyay si loo baabi’iyo sheegashooyinka ku saabsan in uu cadow ku ahaa gabadha uu sodogga u ahaa.

Wrqadahaas oo uu jacayl mug leh ugu muujiyay, ayaa caddeeyay in uu taageero weyn la garab taagnaa Diana, xaqiiqadaas oo ay hoosta kasii xariiqeen hadallada diirran ee ay u qortay iyada qudheeda.

Mohamed Al Fayed, oo ah aabbaha ninkii ugu dambeeyay ee ay saaxiibka ahaayeen Diana, Dodi, ayaa xitaa mar sheegay in eedeyn ku saabsan in Amiiradda lagu dilay amar uu bixiyay Amiir Philip – eedeyntaas oo guddigii baaritaanka dhimashadeeda loo xil-saaray ay si xoog leh u beeniyeen.

‘Ma sameynin wax aan micno lahayn’

Amiir Philip, Amiirka Edinburgh, waxa uu ahaa nin fikirkiisu awood lahaa oo madaxbannaanaa, waxa uuna bartanka uga dhex jiray bulshada reer Britain.

Waxa uu ahaa hoggaamiye dabiici ah oo doorkiisu uu mar walba ku khasbayay inuu qaato booska labaad; wuxuuna ahaa nin dabeecaddiisu ay adkeyd balse ku guuleystay in uu dadaal adag kaddib meel la fariisto waxyaabaha xasaasiga ahaa ee ku saabsanaa doorkiisa.

“Waxaan sameeyay wixii ay ila ahayd inuu karaankeyga yahay,” ayuu ku yidhi BBC-da. Si dhakhso ah hal mar uma baddali karo guud ahaan qaabka aan wax u sameeyo, ma baddali karo danaheyga ama sida aan waxyaabaha uga falceliyo. Sidaas ayaan u dhashay.”

Queen Elizabeth and Prince Philip walk at Broadlands in Romsey, 2007
Boqoradda ayaa ku qeexday in uu ahaa “Awooddeeda iyo taageeradeeda”

Ka howlgabiddii nolosha shacabka

Amiirka waxa uu howlihii bulshada ka fariistay bishii August ee sanadkii 2017-kii kaddib tobannaan sano oo uu garab taagnaa boqoradda islamarkaana fulinayay howlihiisa samafalka iyo shaqooyinka hayadihiisa.

Qasriga Buckingham ayaa xisaab uu soo saaray ku sheegay in uu sameeyay 22,219 wax-qabad oo kaligiis ah tan iyo sanadkii 1952-kii, Theresa May oo xilligaas ahayd Ra’iisul Wasaaraha Britain ayaana uga mahad celisay “Adeeggii wax ku oolka ahaa ee uu usoo qabtay shacabka”.

Philip wxa uu sanad guuradii 70-aad ee guurkiisa xusay goor dambe oo sanadkaas ah.

Qalliin lafta sinta looga baddalay kama uusan hor istaagin inuu fardaha kursiga iyo cagaha leh ku kaxeeyo Xarunta Windsor, waxaana uu ka badbaaday shil gaari oo aad halis u ahaa xilli uu gaari ku kaxeynayay meel u dhow Sandringham bishii January ee sanadkii 2019-kii.

Labo haween ah oo ku jiray gaariga kale ayaa dhaawacmay, Amiirkuna waxa uu si iskiis ah u wareejiyay shatigiisii gaari wadista.

Inta uu socday cudurka safmarka ah ee Corona, Philip iyo Boqoradda waxa ay u guureen Xarunta Windsor, Tallaalna waxaa la siiyay bishii January ee samadkan 2021-ka.

‘Awooddeyda iyo taageeradeyda’

Philip waxa uu ku guuleystay in uu doorkiisa u adeegsado waxtar badan oo uu kusoo kordhiyay nolosha Britain iyo in uu qaatay kaalinta uu ku caawinayay Boqortooyada si ay isbadallo badan u sameyso sannadihii ay jirtay.

Laakiin guushii ugu weyneyd ee uu gaaray shaki la’aan waxay ahayd sida joogtada ah ee uu hiil iyo hoo ula garab taagnaa boqoradda oo sannado badan xilka heysay.

Waxa uu aaminsanaa in ay shaqadiisu ahayd, sida uu u sheegay qoraagii taariikhdiisa, “Inuu xaqiijiyo in Boqoraddu ay xilka heyso”.

Khudbad ay ka jeedisay xaflad lagu xusayay guurkii dahabiga ahaa ee lamaanahan, ayey Boqoraddu ku ammaantay ninkeeda, oo ahaa seygii ugu waqtiga dheeraa ee abid boqortooyada soo mara taariikhda Britain.

“Waa qof aan jecleyn in la amaano, laakiin si fudud waxa uu ii ahaa awooddeyda iyo taageeradeyda dhammaan sannadihihii aan wada joognay. Aniga iyo qoyskiisa oo dhanna, iyo waliba dalkan iyo waddamo kale oo badan, wuxuu ku leeyahay deyn ka weyn wax uu afkiisa ka sheegi karo ama aynaan waligeen ogaan karin inta ay la egtahay.”

The Duke of Edinburgh in his uniform as a Field Marshall in the British Army

White Line 1 Pixel

Dhammaan Sawirrada waxay leeyihiin xuquuq

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this