Sign in to follow this  
Deeq A.

Xukumada Somaliland oo si adag uga jawaabtay Hadallo ka soo yeedhay Maamul-goboleedka Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   
Xukumada Somaliland oo si adag uga jawaabtay Hadallo ka soo yeedhay Maamul-goboleedka Puntland
mustafe.jpg

 Wasiirka Wasaarada shaqo-gelinta iyo arrimaha bulshada Somaliland Mustafe Maxamuud Cali, ayaa beeniyay sheegashada Maamulka Puntland, ee ah in ay maamulan badiba gobolada Sool iyo Sanaag.

Wasiir Mustafe oo waraysi siiyay HCTV, ayaa yidhi “cidkasta oo i maqlaysa waxan u sheegaya, Somaliland iyo Puntland in ay yihiin doalad iyo maamul walaalo ah, jaar ah, dano badanina ka dhexeeyaan”.

Wasiirka aya sheegay in cidkasta oo masuul ah, oo hadlaysa looga baahan yahay in ay ka fogaadaan hadalkasta oo abuuri kara colaad iyo dhibato.

Wasiir Mustafe ayaa sidookale ka jawaabay, hadalka ka soo yeedhay wasiirka arrimaha gudaha maamul-goboleedka Puntland ee aha in ay si fudud ku qabsan doonaan magaalooyinka Laascaanod iyo Ceerigaabo.

“Wasiirka leh Sool baan qabanaya ciidamada Somaliland waxay xafiiskiisa u jiraan wax kayar 19 killo mitir, hadii uu daaqadiisa furo oo uu eego wuu arkayaa” ayuu yidhi wasiir Mustafe.

“Cidka hor joogtaana ma jirto ee Somaliland iyada ayaa masuuliyadeeda u dhawraysa wax badan”.

“Waxa nasiib darro ah ninka ay u muuqdaan ciidamada Somaliland ee hadana leh Sool iyo Sanaag baan qabsanayaa” ayuu wasiirku hadalkiisa sii raaciyay.

Jawaabta Xukumada Somaliland, ayaa imanaysa xilli Maamul-goboleedka ku hanjabay in ay dagaal ku qabsan doonaan Gobolada Sool iyo Sanaag.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this