Sign in to follow this  
Deeq A.

Wafti Culus Oo Ka Socda Dal Zambia Oo Maanta Safar Imanaya Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Magaalada Hargeysa ee Caasimada Somaliland ayaa maanta oo Isniin ah waxaa lagu wadaa inay gaadhaan wafti ka socda dowladda Zambia oo kamid ah dowladdaha Afrika, sida ay sheegayaan wararka la helayo.

Waftiga ka socda Zambia ayaa waxaa hoggaaminaya Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda dalkaas Gavin Lubinda, iyagoona saacadaha soo socda ee maanta ay ka soo dagi doonaan Magaalada Hargeysa.

Wasiir Gavin ayaa waxaa safarkiisa ku wehlinaya sida aanu wararka ku helnay La-taliyaha gaarka ah ee Madaxweynaha Zambia, waxaana kulan gaar ah ay la yeelan doonaan Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Muuse Biixi iyo Wasiirka Wasaaradda Cadaalada Zambia Gavin Lubinda ayaa ka wada hadli doona xidhiidhka u dhexeeyay labada dal iyo arrimo kale oo qorsheysan, iyadoona la filayo in kulankaas ay ka hadashado Madaxtooyada Somaliland

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this