Sign in to follow this  
Deeq A.

Rooble oo war kasoo saaray qarixii ka dhacay degmada Shangaani

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa cambaareeyay weerarkii is-miidaaminta ahaa ee xalay ka dhacay dhacay degmada Shangaani, halkaasi oo ay ku dhinteen 5 dhallinyaro ah oo uu ku jiray canug saqiir ah.

Rooble ayaa Ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay dadkii ku nafwaayay weerarka, isagoo Alle uga baryay inuu u bongo dhayo dadki kale ee ku dhaawacmay.

“Waan cambaareynayaa falka argagixisada Al-Shabaab ku laayeen dhallinyaro ku fiidsaneysay Muqdisho. Waa bahalnimo kale oo muujineysa sida ay argagixisada uga go’an tahay ciribtirka bulshada iyo mustaqbalka dalka. Allaha u naxariisto intii dhimatay, dhaawacyada Allaha bogsiiyo, eheladana Samir iyo Iimaan.” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this