Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland iyo Daacish oo ku dagaalamay meel u dhow Balidhidhin

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16174594178743821.jpg?resize=715%

Ciidamada gaarka ah Puntland PSF iyo dagaalyahano ka tirsan Daacish ayaa saaka dagaal ku dhexmaray meel u dhow degmada Balidhidhin ee gobolka Bari.

Dadka degaanka ayaa soo weeriyay in muddo saacodo ah ay maqlayeen dhawaqa hubka noocyadiisa kala duwan oo dagaal la isu adeegsanayay, kaas oo ka dhacay dhul buuraley ah oo15km dhanka galbeed ka xiga magaalada Balidhidhin.

Warar madax bannaan ayaa sheegaya in dagaalkaas u dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray labada dhinac, inkastoo aan tiro rasmi ah la hayn.

Dadka degaanka oo u badan xijiyeysato iyo xoolo dhaqato ayaa isaga carayay aaga dagaal ka dhacay.

Puntland ayaa ilaa iyo hadda ka hadlin dagaalka dhacay aaga Balidhidhin.

Puntland iyo Daacish ayaa tan iyo 2016 dagaalo kala duwan ku dhexmareen buuraleyda Cal-miskaat ee bariga fog goblka Bari, waxaana mararka qaar dhibaato ka soo gaartaan dadka rayidka ah ee ku nool deegaannadaas.

PUNTLAND POST

The post Puntland iyo Daacish oo ku dagaalamay meel u dhow Balidhidhin appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this