Sign in to follow this  
Deeq A.

Xukumada S/land oo ka Hadashay Shil Ka Dhacay Dalka Taiwan

Recommended Posts

Deeq A.   

Xukumada S/land oo ka Hadashay Shil Ka Dhacay Dalka Taiwan

 taiwan.jpg

 

Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa sheegtay in ay dawladda iyo shacabka Taiwan la qaybsanayso tiiraanyada sideed iyo afartanka qof ee ku geeriyooday shil tareenka ee ka dhacay bariga dalkaasi

 

War qoraal oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha debadda ayaa lagu sheegay in Somaliland xilliga adag ay Taiwan u muujinayso Naxariis iyo isku duubni walaalnimo.

 

“Waxa aan aad uga xun nahay warka naxdinta leh ee shilka tareenka ee Bariga Taiwan. Xilligan murugada iyo khasaaraha, waxaan idiin xaqiijinaynaa isku duubnideena, tacsi tiiraanyo leh ayaan la wadaagaynaa qoysaska dhibbanayaasha iyo umadda aan walaalaha iyo  saaxiibtinimada nahay ee Taiwan.” Ayaa lagu yidhi warka kasoo baxay wasaaradda arrimaha debadda Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Sideed iyo afartan qof ayaa ku dhintay waxana ku dhaawacmay Boqolaal qof Shilka oo ka dhashay Tareen iyo Gaadhi isku dhacay.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this