Sign in to follow this  
Deeq A.

Sanyare: Caruurtiina hadaad Shabaab uga shakidaan nala soo xiriira daqiiqad ban soo saaraynaa

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Axmed Muuse Nuur, ayaa waalidiinta Gobolka ka codsaday, in ay Laamaha Amniga la soo xiriiraan, haddii ay carruurtooda uga shakiyaan Al-shabaabnimo.

Guddoomiyaha oo Caawa warbaahinta kula hadlay Gaalkacyo, ayaa sheegay in dowladdu ay baaritaan ku samayn doonto carruurtaas, kadibna ay natiijada baaritaankaas waalidkood la wadaagi doonto.

“Ilmihiinna haddaad ka shakidaan noo keena oo dhaha: ilmahayaga waan ka shakinay ee noo fiiriya bal suu yahay annagu daqiiqad baan ku soo saaraynna” ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Mudug.

Dhinaca kale, Guddoomiye Sanyare ayaa xaqiijiyay in gacanta lagu dhigay kooxdii xalay dilka u gaystay G/sare Cumar Maxamed Samatar, oo ka tirsanaa waaxda danbi baarista Booliiska Puntland ee Gobolka Mudug.

PUNTLAND POST

The post Sanyare: Caruurtiina hadaad Shabaab uga shakidaan nala soo xiriira daqiiqad ban soo saaraynaa appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this