Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowlada Federaalka oo Qalab Ciidan geynaysa Caabudwaaq

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar lagu kalsoon yahay oo Warbaahinta Puntland ka heleen ilo lagu kalsoon yahay, ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan kuwa Dowlada Federaalka oo Qalab Malatari oo Turkiga laga keenay wata la geyn doono Magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud.

Ciidamadaan ayaa wata Gaadiid Dagaal, lamana shaacin sababta xiligaan kala guurka ay Xukuumada Farmaajo Ciidamada u geynayaan Caabudwaaq.

Horay waxaa Qalab Ciidan loo daabulay Gobolka Gedo, xili Al-shabaab ay isku balaarinayaan Deegaano badan oo Gobolada Bakool ka mida, mana jiraan Ciidamo ay Villa Soomaaliya u dirtay Magaalada Xudur oo ay go’doomiyeen Argagixisadu.

Sargaal ka tirsan Ciidamada Dowlada ayaa Puntlandi.com usoo dusiyey xogta Qalabka Malatari ee la gayn doono Gobolka Galgaduud gaar ahaan Magaalada Caabudwaaq.

Puntlandi.com Muqdisho

2A3F3B93-F8BA-417F-A59D-EC252B1B6B51.jpe

The post Dowlada Federaalka oo Qalab Ciidan geynaysa Caabudwaaq appeared first on .

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this