Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Rag qaraxyo culus fulin rabay oo la qabtay

Recommended Posts

Deeq A.   

Afgooye (Caasimada Online) – Sida ay baahisay warbaahinta dowladda, Taliska ciidanka booliska Soomaaliya ayaa soo bandhigay waxyaabaha qarxa iyo rag loo haysto falal la xariira Al-Shabaabnimo oo ku howlanaa diyaarinta qaraxyadaas.

Ragaan ayaa lagu soo qabtay howlgallo ka dhacay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose.

Afhayeenka ciidanka booliska Soomaaliya Gaashaanle Sadiiq Aadan Doodishe ayaa laga soo xigtay in howlgal qorsheysan oo ciidamada ammaanku ay ka fuliyeen degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose ku soo qabteen afar qof.

Raggaas ayuu sheegay afhayeenku in loo heysto falal ‘argagixisonimo’ islamarkaana lagu soo qabtay waxyaabaha qarxa oo ay diyaarinayeen.

Sidoo kale waxa uu sheegay Sadiiq Doodishe in qaraxyadii lagu soo qabtay ragaas ay baaritaano dheeraad ah ku socdaan.

Hey’adaha ammaanku sooma bandhigin sawirro ama muuqaallo muujinaya raga afarta ah ee qaraxyada lagu soo qabtay, markii laga reebo in warbaahintu heshay sawirrada waxyaabaha qaraxa ee lasoo bandhigay.

waxyaabo-qarxa-1.jpg Ex51te-XAAABY21.jpeg.jpg Ex51te4XAAIdOSk.jpeg.jpg waxyaabo-qarxa.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this