Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Muxuu DENI kala hadlay safiirka Sweden?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Mudane Siciid Cabdullahi Maxamed (Deni) ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay Ambasador Staffan Tillander oo ah safiirka Sweden u jooga magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya

Deni iyo Tillander ayaa kulankooda oo saacado badan qaatay uga wada-hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan is mari-waaga ka taagan doorashooyinka 2021-ka.

Sidoo kale labada mas’uul ayaa isla soo qaaday caqabadaha hortaagan qabsoomida shirka wada-tashiga ee u dhexeeya madaxda dowladda federaalka & kuwa dowlad goboleedyada.

Kulankan ayaa qeyb ka noqonayo wada-hadallo maalmihii u dambeeyey ka socday magaalada Muqdisho, kuwaas oo looga arrinsanayey xaaladda adag ee kala guurka.

Siciid Deno oo maalmo badan ku sugan Muqdisho ayaa si weyn uga soo horjeedo qorshaha dowladda iyo hannaanka ay ku wajaheyso doorashooyinka ka dhacaya dalka.

Xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa haatan mid cakiran, waxaana la’isku mari waayey kulamo la’isugu soo dhoweeyey dowladda dhexe, Jubbaland iyo sidoo kale Puntland.

168005446_1142307429516109_5673948896190 167588552_1142307266182792_6334229391877 167855740_1142307152849470_2023064524414

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this