Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Oo Shaqadii Ka Joojiyey Garsoore Lagu Eedeeyey Inuu Arrimo Siyaasaddeed Galay

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna guddoomiyaha guddida cadaaladda jamhuuriyadda Somaliland garyaqaan Aadam Xaaji Cali Axmed, ayaa 30/03/2021 shaqadii si ku meel gaadh ah uga joojiyay, garsoore Axmed Maxamed Axmed oo ka tirsan maxkamadda degmada Maydh ee gobolka Sanaag.

Guddoomiyaha ayaa shaqada garsoorenimo ee uu u hayay hay’adda garsoorka ka joojiyay, ka dib markii la daraaseeyay cabashooyin is-xig-xigay oo guddoomiyaha maxkamadda Racfaanka gobolka Sanaag ka soo gudbiyay garsooraha, sidoo kalena la ogaaday in garsoore Axmed Maxamed Axmed uu galay arrimaha siyaasada ee la xidhiidha doorashooyinka imika socda, kuwaasi oo shaqada garsoorka mamnuuc ka ah.

Wa bilaahi tawfiiq.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this