Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Deni oo kulan gaar ah la yeeshay Safiirka Sweden

Recommended Posts

Deeq A.   
DENI.jpg?resize=1000%2C687&ssl=1

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay safiirka dowladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya Staffan Tillander.

Kulanka labada mas’uul oo ka qabsoomay hoyga madaxweyne Deni ka degganyahay Muqdisho, ayaa looga wada-hadlay xallinta khilaafka ka aloosan Arrimaha doorashooyinka, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay madaxtooyada Puntland.

Sidoo kale, kulanka waxa looga arrinsaday sida ugu wanaagsan ee uu qabsoomi karo shirka Arrimaha doorashooyinka oo la filayo in uu Muqdisho ku dhexmaro dowladda Federaalka, dowlad goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Kulanka waxaa looga hadlay arrimaha Doorashada, caqabadaha hortaagan iyo sida ugu wanaagsan ee uu qabsoomi karo shirweynaha Doorashada.” Ayaa lagu yiri qoraalka Puntland.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Deni oo kulan gaar ah la yeeshay Safiirka Sweden appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this