Sign in to follow this  
Deeq A.

Itoobiya: Maleeshiyaad Oromo Ah Oo Dilay In Ka Badan 30 Amxaaro Ah

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Addis ababa)-Maleeshiyaad ka tirsan Jamhada Oromada Itoobiya ayaa lagu eedeeyey dilka dad rayid ah oo gaadhaya 30 qof oo u dhashay qowmiyada Amxaarada, xilli ay sii xoogeysanayaan dagaalada u dhaxeeya labadaasi qowmiyadood.

Weerarkan ayaa habeen hore ka dhacay deegaanka galbeedka Wollega oo ka tirsan degmada Babo-Gembel  ee Ismaamulka Oromada.

Weerarkan ayaa dhabar jab ku ah dadaalkii dowlada Federaalka Itoobiya ay dooneysay inay ku joojiso xiisadaha u dhaxeeya qawmiyadahaasi kuwada nool dalka Itoobiya, xilli aan weli xal loo helin dagaalada ka socda ismaamulka Tigray.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this