Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha Amaanka oo Madaxweyne Farmaajo ku eedeeyay inuu Doorashada dib u dhigayo si wakhtiga loogu kordhiyo

Recommended Posts

Deeq A.   

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay oo kulan ka yeeshay Xaalada Soomaaliya ayaa waxay ka dayriyeen in natiijo laga gaaro Wadahadalada Doorashada iyagoo Siyaasiyiinta Soomaalida ku booriyay in la dhameeyo Khilaafka ka taagan qabsoomida Doorashada.

Safiirada Ingiriiska u fadhida Qaramada Midoobay Barbara Woodward ayaa sheegtay in Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u jooga Soomaaliya James Swan uu sheegay in Soomaaliya u baahan tahay Foojignaan dheeraada xiligaan la joogo.

Golaha Amaanku waxay walaac ka muujiyeen qaabka wax ubsocdaan iyagoo si cad Madaxweyne Farmaajo ugu eedeeyay inuit si ulakac ah Doorashada dib ugu dhigayo si Wakhtiga loogu kordhiyo ama uu u helo si uu usii joogo afar sanoo hor leh,waxay kaloo Golaha Amaanku sheegeen Dhinaciiss Madaxweyne Farmaajo uu ku andocoonaya inay jiraan faragalin shisheeye oo uusan carabaabin cida uu ula jeedo.

Kulanka Golaha Amaanka waxaa hoosta laga xariiqay inaan cidna maanta aqbalayn talo fara maroojin iyo Mudo kororsi, iyo in si deg deg ah loo xaliyo Khilaafyada hortaagan hirgalinta Heshiiskii 17/Sebtembar.

Golaha Amaanku waxay kaloo soo hadal qaadeen Qodobada la isku hayo oo uu u horeeyo Gudiga Farsamada ee Doorashada oo ay ku jiraan Shaqaalaha hoose ee Xafiiska Madaxweyne Farmaajo iyo Ciidamada ,Qodobka kale ee la carabaabay waa Khilaafka Gobolka Gedo.

Hadalka kasoo yeeray Golaha Amaanku wuxuu u muuqdaa in Beesha Caalamku ay ka quusteen Madaxwwynaha uusana diyaar u ahayn in Uu dhaco heshiis Doorasho.

Kulankaan ayaa kusoo aadaya iyadoo maalmihii u dambeeyay uu Gudoomiyaha Baarlamaanku u ololaynayay Mudo kordhin, iyo waliba Jubbaland iyo Puntland oo shalay shaaciyey in Xukuumada Wakhtigeedu dhamaadey ay xagal daacinayaan Wadahadalada Doorashada.

Puntlandi.com Garowe

20191012637064379059131231Madaxweyne_Far E3FC3372-78E0-4B29-AB3C-35EB2FB59912-800

The post Golaha Amaanka oo Madaxweyne Farmaajo ku eedeeyay inuu Doorashada dib u dhigayo si wakhtiga loogu kordhiyo appeared first on .

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this