Sign in to follow this  
Deeq A.

Sarkaal ka tirsanaa Puntland oo lagu dilay magaalada Gaalkacyo

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in xalay sarkaal ka tirsanaa ciidamada Puntland xalay lagu dilay waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolkaasi

Kooxo hubeysan ayaa lagu soo warramayaa in marxuumka oo lagu magacaabi jiray, Cumar Maxamed Samatar ay toogasho ku dileen, xilli uu kusii jeeday gurigiisa.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada ammaanka oo goobta gaaray falka kadib ay gacanta ku dhigeen mid ka mid ah raggii ka dambeeyey falkaasi.

Saraakiisha Puntland ayaa sidoo kale xusay inay ku raadjoogaan raggii kale ee ku lugta lahaa dilka loo geystay marxuum Cumar Maxamed Samatar.

Gaalkacyo ayaa waxaa muddooyinkii lasoo dhaafay ka dhacayey falal liddi ku ah amniga, sida qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo qaarkood ay sheegatay Xarakada Al-Shabaab.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this