Deeq A. Posted April 1, 2021 Dabley hubaysan ayaa xalay waqooyiga Gaalkacyo ku dilay sarkaal ka tirsanaa Laanta Danbi baarista Puntland ee C.I.D, kaas oo magaciisa lagu sheegay Cumar Maxamed Samatar. Kooxda oo ku hubaysanaa bastoolado, ayaa sarkaalkan toogtay xilli uu fiidnimadii xalay ku sii jeeday gurigiisa, sida ay sheegeen Goob-joogayaal. Wararku waxay intaas ku darayaan, in kooxda weerarka fuliyay oo saddex nin ahaa yay ku baxsadeen mooto bajaaj. Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Mudug Col. Mu’min Cabdi Shire ayaa isna sheegay in gacanta lagu dhigay mid kamid ah kooxdii weerarka gaystay. Weli ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda dilkaas, inkastoo Taliye Mu’min uu ku eedeeyay ururka Al-shabaab. PUNTLAND POST The post Sarkaal ka tirsan Puntland oo lagu dilay Gaalkacyo appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites