Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Beyle oo ka qeyb galay shirka Iskaashiga Geeska Afrika

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa aaladda fogaan aragga uga qeyb galay shirka Iskaashiga Wadamada Geeska Afrika (Horn of Africa Initiative) oo ahaa mid heer Wasiir.

Shirka ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasiirada Maaliyadda ee Dalalka Jabuuti, Itoobiya, Kenya, Suudaan iyo Saaxiibada kale ee ka ka tirsan Bangiga Adduunka, Bangiga Horumarinta Afrika, Midowga Yurub iyo IGAD. Barnaamijkaan ayaa ah Hindise Horumarineed oo muhiim ah, kaasi oo loogu tala galay isku xirka fursadaha Geeska Afrika oo dhan.

Shirka ayaa si guul ah ku soo idlaaday, kaasi oo looga hadlay arrimo badan oo dhanka dhaqaalaha la xiriirto.

IMG-20210331-WA0221.jpg IMG-20210331-WA0219.jpg IMG-20210331-WA0220.jpg IMG-20210331-WA0218.jpg

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this