Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah faahino kasoo baxaya qarax ka dhacay magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax barqanimadii maanta ka dhacay qeybo ka mid ah wadada aada Daarusalaam ee magaalada Muqdisho, kaas oo geystay khasaare u badan dhaawac.

Qaraxa oo miino ahaa ayaa waxaa lala eegtay ciidamo ka tirsan kuwa ilaalada waddooyinka ee loo yaqaano Traffic, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadaasi qaraxa lagula beegsaday halka loo yaqaano Xoola Qalka, waxaana kasoo gaaray khasaare dhaawac ah.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo baaritaano kooban sameeyey qaraxa, kadib.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ay laamaha amniga kasoo saareen qaraxan iyo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.

Qaraxan ayaa qeyb ka noqonayo falal ammaan darri oo maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayey gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this