Sign in to follow this  
Deeq A.

Kulankii Baarlamanka Soomaaliya oo aan wax mudda kordhin ah looga hadlin

Recommended Posts

Deeq A.   

Kulankii Aqalka Hoose ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta oo Arbaco ah ka furmay xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho.

Kulanka oo uu shir guddoominayo Guddoomiyaha Baarlamaanka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa furmay, xilli ay jirtay hadal-hayn ku saabsan in mudda kordhin loo samaynayo dowladda.

Guddoomiye Mursal oo hadal ka jeediyay Kulanka, ayaan soo hadal qaadin wax muddo kororsi, inkastoo uu shakigaasi ku jiray siyaasiyiinta mucaaradsan dowladda.

Baarlamaanka ayaa warbixin ku saabsan xanuunka Covid-19 ka dhegeystay wasiirka caafimaadka, Fowsiyo Abiikar Nuur. Sidoo kale waxa kulanka lagu ansixiyay xubno ka tirsan Guddiga madaxa-bannaan ee xuduudaha

Fadhiga baarlamaanka ayaa waxaan ka soo qeybgalin maanta 15 xildhibaan oo ganaax la dul dhigey iyadoo laga celiyay inta aysan soo gaarin xarunta baarlamaanka.

PUNTLAND POST

The post Kulankii Baarlamanka Soomaaliya oo aan wax mudda kordhin ah looga hadlin appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this